Sign in to follow this  
Deeq A.

Halaq faro ba’an ku haya deegaanno Somaliland ka mid ah

Recommended Posts

Deeq A.   

9103c170-ce51-11ef-94cb-5f844ceb9e30.jpg

Dadka ku nool deegaannada xeebta ah ee Magaalada Berbera ee kaga beegan dhinaca Bariga, ayaa waxa ay walaac ka muujinayaan khatar kaga imaanaysa abeesooyin, kuwaas oo ka mid ah bahalaha hoose ee xamaaratada ah.

Dadka deegaannada ku nool oo xoolo dhaqato ah ayaa abeesadani waxa ay ku haysaa cabsi, ka dib markii qaar ka mid ah dadka halkaasi ku nool ay u dhinteen qaniinyada Abeesada, halka kuwo kale ay u naafoobeen dhibaatada ka soo gaadhay qaniinyada abeesadan, sida uu BBC-da u sheegay Aadan Ciise oo ah dadka deegaanka Xagal, oo ay toddobaadkan xaaskiisa cuntay abeesadu.

Dhibaatada ay Abeesadu ku hayso dadka ku nool deegaannada Biyo guure, Ceel Garde, Xagal iyo Laasciidle ee bariga gobolka Saaxil, ayaa ah mid sii kordhaysa.

Sidee ayey xoolo dhaqatada deegaanada bariga ku nool u saamaysay Abeesadu?

Alle ha u naxariistee Aamina Maxamed Axmed, oo ahayd hooyo 50 jir ah, oo dhashay toddoba caruur ah ayey abeeso ku cuntay deegaanka Beenyo guulaan oo ka tirsan Degmada Xagal ee Gobolka Saaxil, deegaankaas oo Berbera dhinaca bari kaga beegan qiyaastii 100 KM.

Aadan Ciise, oo ay Marxuumadu xaaskiisa ahayd, oo la hadlay BBC-da, waxa uu sheegay in habeenkii Jimcihii, abbaare tobankii ay xaaskiisa oo markaas soo jeeda oo hurdo isu diyaarinaysay ay qaniintay Abeeso yar, iyada oo habeenkii sabtidana u geeriyootay suntii ay gaadhsiisay Abeesada cuntay.

“Xaaska oo guriga jiifta, anigana aan dibedda fadhiyo oo aan iska sheekaysanayno, ayey igu tidhi bahal ayaa igu dhegay, anigu waan booday, oo gurigii ayaan galay, oo dibedda ayaan uga soo saaray. Markaas halkaas kalxanta iyo garabka agtiisa ayey ka qaniintay oo dhiiga ayey ka jaqday” ayuu yidhi Aadan Ciise.

Waxa uu intaas ku daray in ay ula soo carareen xaaskiisa deegaankii ugu dhawaa oo ah Deegaanka Xagal, oo leh xarun Caafimaad, halkaas muddo 24 sacadood ah xaaladeeda lagula tacaalayey, balse markii dambe ay ku geeriyootay “Xarun caafimaad oo ku taala Xagal ayaanu geynay, halkaas dawooyin ayaa lagu siiyey xilligii ay qaniintay, wakhtigii kale ayey ku geeriyootay xaruntaas Caafimaad, halkaas ayaannu ku aasnay”.

Sacad Ciise Cumar, oo isaguna ah dadka deegaankaas oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qoyskiisa oo keliya ay qaniintay abeesadu ku dhawaad 30 qof oo ay ku jiraan walaalihii, halka adeerkiina uu u dhintay suntii abeesadu kaga tagtay, taasoo fadhiisisay labada Kelyood. “Qoyskayga waxa aan odhan karaa, aniga uun baanay cunin Abeesadu. Walaalahay shan ayey cuntay, xaaska kale ee Aabbo way cuntay, guud ahaan ilaa 30 qof ayaan ku qiyaasayaa qoyskayga inta abeesadu cuntay, qaarna way ku dhinteen, sida Adeerkay, qaar u naafoobay ayaa jira, kuwo kalena way ka kaceen”.

Mas

Maxay ku reebtaa dadka badbaaday qaniinyada abeesada?

Ka sakow in ay dad u dhintaan qaniinyada abeesada, waxa jira dad iyagu u naafoobay sunta waabeeyada ah ee ay kaga tagto qaniinyada ka dib, kuwaas oo qaarkood ay ku keento in laxaadkoodu dhantaalmo, sida ku dhacday Baashe Ibraahim, oo ah 48 jir ku nool Magaalo xeebeeda Lughaya ee Gobolka Awdal, “Anigoo yar ayey i qaniintay abeesadu, waxaanay sunteedii keentay in aan naafoobo, oo jidhkayga qaybo ka mid ahi googo’aan. Iminka naafo ayaan ahay, oo mustaqbalkaygii way saamaysay, laxaadkaygii way dhantaashay bahashaasi, dad badan dhibaato ayey gaadhsiisay” ayuu yidhi Baashe Ibraahim, oo u warramay BBC-da isaga oo ku sugan Lughaya.

Axmed Cumar Nuur, oo ka mid ah deegaanka loo yaqaan Beenyo dhaadheer, oo ka tirsan Deegaannada bariga Saaxil, oo isaguna ay hore u qaniintay abeesadu, ayaa sheegay in weli saamayntii ay kaga tagtay qaniinyada abeesadu uu dareemo, iyada oo ku dhawaad soddon sanno ay ka soo wareegtay markii ay cuntay.

“Laba jeer ayaan dareemaa saameynta ay igu reebtay qaniinyada abeesadu, wakhti waa marka aan masaafo dheer lugeeyo, madaama aan ahay nin xoolo dhaqato ah oo socod badan, marka aan seexdo waxa aan dareemaa garaac ba’an oo lugaha ah. sidoo kale marka aan gaajoodo wadnaha iyo beerka ayaa i xanuuna” ayuu yiri.

Noocyada masaska iyo sida ay u kala khatarsan yihiin

Abeesadu waxa ay ka mid tahay xayawaanka xamaaratada ah ee sida masaska oo kale, in badanna dadka ay waxyeelada ay gaadhsiiso ma arkaan, maadaama ay tahay xayawaan ciidda u eg oo ka soo baxa marka ay dadka cunayso godad ku yaala dhulka hoostiisa, ama ay ku dhex nooshahay geedaha gaagaaban.

“Abeesadu waa lab iyo dhedig. markaa labkeedu inta badan kama soo baxo godka, laakiin bahasha aadka u soo baxdaa waa abeesada dheddig. Midka lab wuxuu ka khatar badan yahay tan dheddig, oo qofka uu qaniino markiiba wuu dhintaa, oo suntiisaa khatar ah, laakiin tan dheddig lafteedu waa mid halistood badan tahay.” Sidaa waxa yidhi Sacad Ciise Cumar, oo ah nin waayo aragnimo u leh Abeesooyinka, khatartooda dadka ka wacyi geliya.

Dr. Mustafe Xuseen Cabdillaahi (Guraaye), oo ka hawl gala Isbitaallada Hargeysa, ayaa BBC-da u sheegay in sunta Abeesadu tahay mid khatar ah, madaama suntaas ay toos u abaarto habka dhiig wareegga dadka, taasina ay keento in suntaas gaadho wadnaha iyo Maskaxda.

Qaabkee la iskaga daweeyaa qaniinyada iyo sunta ay dadka kaga tagto Abeesadu

Inkasta oo uu jiro tallaal la siiyo dadka ay qaniinaan abeesooyinka iyo Masasku, haddana tallaalkaas ayaan laga helin deegaannada abeesooyinku ku badan yihiin ee Somaliland, sida uu sheegayo Dr. Mustafe Xuseen Cabdillaahi (Guraaye), oo ka mid ah bahda caafimaadka ee Hargeysa, taasna waxa ay keentay in dadka waxyeeladu soo gaadho ay isku daweeyaan qaab dhaqan, si ay uga hortagaan in suntu ku faafto jidhkooda.

“Waxa jira tallaal deg deg ah oo sunta xayawaanka Xamaaratadu leeyihiin si qofku uga badbaado in ay halis gasho naftiisa, laakiin taasi kama jiro Somaliland oo laga helo tallaalkaasi. Waxaanay khatar dhimasho ku keentaa suntaa dadka waaweyn ee difaaca jidhkoodu hooseeyo” ayuu yiri dhakhtarku.

Sacad Ciise Cumar, waxa uu sharaxayaa qaabka ay iska daweeyaan dadka xoolo dahqatada ah marka ay abeesadu qaniinto “Marka u horreysa ee ay qofka qaniinto laba shay ayaa la siiyaa, waa caano geel iyo neef Ido ah badhidiisa. tusaale ahaan caanaha geelu qofka ay ka matajinayaan, badhiduna sunta ayey la dagaalantaa” ayuu yiri Sacad Ciise.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this