Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Wax ka Beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Dhismaha Machadka Tababbarka Sharciga

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan caadi ah oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

intii uu shirku socday, waxaa lagu ansixiyey wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo Horumarinta Sharciga, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Ansixinta xeerarkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loogu talagalay in lagu horumariyo nidaamka cadaaladda iyo awoodda lagu tababaro khubarada sharciga ee dalka, si loo taageero dib-u-dhiska hay’adaha garsoorka Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan horumarka laga sameeyay dhanka amniga, dhaqaalaha, iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey dedaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo dib-u-habaynta hay’adaha dowliga ah.

Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu tayeynayo adeegyada sharciga iyo cadaaladda si loo xaqiijiyo dowladnimo hufan oo ku dhisan sharciyad.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this