Deeq A. Posted January 9 Taliyaha ciidamada Lubnaan Joseph Aoun ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee dalkaasi ka dib doorasho baarlamaani ah oo 128 mudane ay codbixiyaal ka ahaayeen. Doorashadan ayaa jabisay ismari-waagii sababay in dalka uu noqdo madaxweyne la’aan tan iyo bishii Oktoobar 2022, xilligaas oo uu xilka banneeyay Michel Naim Aoun oo ilaa 2016-kii talada hayay. General Joseph Aoun ayaa 99 cod ka helay 128-ka kursi ee baarlamaanka, waxa uunahoggaamin doonaa dalka uu qalalaase daashaday oo taniyo 70-meeyadii xasrado siyaasadeed oo kala qeybsanaanta diinta saldhig u tahay la daalaacayay. Sidoo kale dalkan ayaa dhowaan dhibane u noqday dagaal lagu hoobtay oo dhex maray ururka Xisbullahi iyo maamulka Israa’iil, kaas oo todobaadyo ka hor xabad joojin laga gaaray. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites