wind.talker Posted June 23, 2005 Dagaal Fool Xun oo u dhaxeeyo qaar ka mid ah Haweenka Xildhibaanada Soomaaliyeed oo maanta ka Dhacay Dalka South Africa Haweenka ku jira golaha baarlamaanka fedralka ah ee Somaliya oo ka qeybgalayo saminaar uga socdo Dalka Koofur afrika ayaa waxaa maanta dhex maray dagaal ay gacanta isula tageen, ka dib markii sida la sheegay ay is afdhaafeen . Haweenkan Xildhibaanada ah oo iyagu aragti ahaan kala taageersan Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay in ay dhowr jeer intii ay joogeen Koofur afrika ay dhex martay dooda kulul oo sababi gaartay dagaal, ayaa maanta mar kale doodaasi waxa ay keentay in ay gacanta ay isula tagaan. Gacanqaadka ayaa la sheegay in uu si toos ah u dhex maray Xildhibaanada kala ah Caasha Axmed Cabdalla oo si weyn uga soo horjeedo siyaasada Madaxweyne yuusuf iyo Fahmo Axmed Nuur iyo Khadiijo Maxed Diiriye oo iyaguna siyaasad ahaan ka soo horjeedo Shariifka, waxa ayna maanta arintaasi keentay in ay is xulufeystaan haweenkii isla markaana dagaal fool xun uu hlkaasi ku dhex maray, waxaana la sheegay in laga awood roonaaday haweenkii taageersanaa Siyaasada C/laahi Yuusuf Axmed. kix kix kix kix Illaa iyo hadda Cadeyn rasmi ah lagama bixin qasaaraha soo kala gaaray , hase yeeshee waxaa hakad uu ku yimid saminaarkii loogu yeeray ka dib markii uu dagaalkani uu dhacay. Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegay in gacan ka hadalku uu ka dambeeyey markii Caasho Axmed Cabadala ay sheegatay in ay wafdiga hogaamnineysay, iyada oo ku eedeysay in ay saminaarka ay ku qeybisay warqado uu soo qoray Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan, taasina waxa ay keenay bay tiri in uu dagaal dhaco, iyada oo intaasi raacisay in uu jiro qasaarooyin labada dhinac soo kala gaaray. Khadiijo Maxed Diiriye waxa kale oo ay sheegtay in la joojiyey saminaarkii isla markaana dib loogu soo kala noqon doono goobihii laga kala yimid. MIDNIMO.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
contraflow Posted June 23, 2005 He even got women fighting,whats next the fishes in the sea Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 23, 2005 I loved the title. Crazy old ladies and we always thought that our women folk were more sensible... Quote Share this post Link to post Share on other sites