Deeq A. Posted January 7 Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo maanta war kooban soo saaray ayaa qaaday tallaabo culus, isaga oo ka horyimid xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii iyo ku xigeenkii degmada Saaxo ee gobolka Mudug. Arrintan ayaa timid, kadib markii golaha deegaanka degmadaasi oo kulan yeeshay ay sheegeen in xilka ay ka qaadeen maamulka degmada, taas oo uu farogeliyay wasiirka. Juxa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadistan ay sameeyeen golaha deegaanka degmada Saaxo, waxa uuna tilmaamay in weli ay aqoonsan yihiin guddoomiyaha iyo ku xigeenkisia, taas oo ka dhigan inay sii shaqeyn doonaan. “Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxaa wuxuu go’aamiyey in aysan waxba ka jirin xilka qaadistii la sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyaha iyo guddoomiye Ku xigeenka degmada Saaxo ee gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Dhanka kale, qaar kamid ah golaha deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dooday inay kalsoonida kala noqdeen xubinihii maamulka oo ay u jeediyeen eedeymo culus. Si kastaba, tallaabada deg-degga ah ee uu qaaday wasiir Juxa ayaa meesha ka saareyso go’aanka golaha, maadaama wasaaradda arrimaha ay iyada u xilsaaran tahaya arrimaha dowladaha hoose. Share this post Link to post Share on other sites