RedSea Posted July 19, 2008 Dawladda Djibouti Oo Ku Dhawaaqday Inay Somaliland ka Qaadan Doonto Alaabada ay Samayso. Dawladda Djibouti, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland ka qaadan doonto oo ay u suuq gayn doonto allaabooyinka ay samayso oo ay Djibouti hore uga keensan jirtay wadamo dibadda ah. Guddoomiyayaasha labada rug ganacsi ee Somaliland iyo Djibouti Siciid Cumar Muuse iyo Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, ayaa shalay Djibouti ku yeeshay kulan, waxaanay isla garteen qodob dhawr ah. “Shacabka Somaliland dad midaynu nahay, haddaad baayac mushtarka eegtid, labada dhinacba waynu ka wada shaqaysanaa, runtiina ganacsiga u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti waa mid aad u wayn, wayna adag tahay in lagu sheego Somaliland iyo Jabuuti waayo waynu is dhex soconaa, dadna waynu iskugu dhownahay.” Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha rugta ganacsiga Djibouti Siciid Cumar, oo shalay u waramay saxaafadda Djibouti, waxaanu intaas raaciyay “Inta badana Somaliland, waxay nooga baahan tahay qalabaynta, waayo waxa uu Guddoomiyhu sheegay in Alaabta Dubai Somaliland uga imanaysay ay fog tahay oo ay Jabuuti uga dhowdahay, markaa dhinaca Jabuuti ahaan Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, waanu ka wada hadalnay dhinaca baananka iyo in waxa la yidhaa (Logistic-ga), qalaybta, oo aanu kaga horaynu ay halkan (Jabuuti), u soo maraaan ilaa Berbera, waayo waanu kaga horaynaa taageeradeedana way naga helaan.” Guddoomiyaha rugta ganacsiga Djibouti, oo ka hadlaya waxyaabaha ay Somaliland samayso ee ay Djibouti suuqa gelin doonto waxa uu yidhi. “Iyaga geestooda waxay leeyihiin Warshadayn badan oo yar-yar, waxyaabahan ay sameeyaan haddii aad eegto xataa aroosyada Djibouti Hargeysa, ayaa loogu safraa oo looga soo iibiyaa qalabaynta Guriga, markaa waxay iyagu inoo hayaan sida khudrada, maadaama khudrada Itoobiya inooga imanaysa aad loo dhaleecaynayo, markaa halkan baa inooga dhow inoogana Jaban. Guddoomiyahana, waxaan balan ugu qaadayaa wixii dibada nooga iman jiray oo hadda qaali garoobay, in aanu iyaga suuqa u galino oo aanu u samayno suuq gayn.” Waxa kale oo isna warbaahinta la hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, waxaanu sheegay inay jiraan waxyaabo ay sameeyaan wershadaha yar-yar ee Somaliland oo ay Djibouti ka keensato dibadda, “Waxaanu u aragnaa in waxyaabaha Warshadaha Somaliland soo saaraan jabuuti looga baahan yahay, oo aanay kuwaasi oo kale Djibuuti lahayn, laakiin dibada looga keeno.” Ayuu yidhi Mr Sugaal. Source: Xaraf net. Quote Share this post Link to post Share on other sites