Sign in to follow this  
RedSea

Djabouti to buy 'made in Somaliland' products.

Recommended Posts

RedSea   

Dawladda Djibouti Oo Ku Dhawaaqday Inay Somaliland ka Qaadan Doonto

Alaabada ay Samayso.

 

Dawladda Djibouti, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland ka qaadan doonto oo ay u suuq gayn doonto allaabooyinka ay samayso oo ay Djibouti hore uga keensan jirtay wadamo

dibadda ah.

 

Guddoomiyayaasha labada rug ganacsi ee Somaliland iyo Djibouti Siciid Cumar Muuse iyo

Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, ayaa shalay Djibouti ku yeeshay kulan, waxaanay isla garteen qodob

dhawr ah.

 

“Shacabka Somaliland dad midaynu nahay, haddaad baayac mushtarka eegtid, labada

dhinacba waynu ka wada shaqaysanaa, runtiina ganacsiga u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti waa

mid aad u wayn, wayna adag tahay in lagu sheego Somaliland iyo Jabuuti waayo waynu is dhex

soconaa, dadna waynu iskugu dhownahay.”

 

Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha rugta ganacsiga

Djibouti Siciid Cumar, oo shalay u waramay saxaafadda Djibouti, waxaanu intaas raaciyay “Inta

badana Somaliland, waxay nooga baahan tahay qalabaynta, waayo waxa uu Guddoomiyhu sheegay

in Alaabta Dubai Somaliland uga imanaysay ay fog tahay oo ay Jabuuti uga dhowdahay, markaa

dhinaca Jabuuti ahaan Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, waanu ka wada hadalnay

dhinaca baananka iyo in waxa la yidhaa (Logistic-ga), qalaybta, oo aanu kaga horaynu ay halkan

(Jabuuti), u soo maraaan ilaa Berbera, waayo waanu kaga horaynaa taageeradeedana way naga

helaan.”

 

 

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Djibouti, oo ka hadlaya waxyaabaha ay Somaliland samayso ee ay

Djibouti suuqa gelin doonto waxa uu yidhi.

 

“Iyaga geestooda waxay leeyihiin Warshadayn badan

oo yar-yar, waxyaabahan ay sameeyaan haddii aad eegto xataa aroosyada Djibouti Hargeysa, ayaa

loogu safraa oo looga soo iibiyaa qalabaynta Guriga, markaa waxay iyagu inoo hayaan sida

khudrada, maadaama khudrada Itoobiya inooga imanaysa aad loo dhaleecaynayo, markaa halkan

baa inooga dhow inoogana Jaban. Guddoomiyahana, waxaan balan ugu qaadayaa wixii dibada

nooga iman jiray oo hadda qaali garoobay, in aanu iyaga suuqa u galino oo aanu u samayno suuq

gayn.”

 

Waxa kale oo isna warbaahinta la hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Cabdiraxmaan

Faarax Sugaal, waxaanu sheegay inay jiraan waxyaabo ay sameeyaan wershadaha yar-yar ee

Somaliland oo ay Djibouti ka keensato dibadda,

 

“Waxaanu u aragnaa in waxyaabaha Warshadaha

Somaliland soo saaraan jabuuti looga baahan yahay, oo aanay kuwaasi oo kale Djibuuti lahayn,

laakiin dibada looga keeno.” Ayuu yidhi Mr Sugaal.

Source: Xaraf net.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this