Deeq A. Posted January 6 Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga QM ee Soomaaliya, George Conway iyo wakiillo kale oo ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay, iyada oo kulanka lagu soo qaaday sidii lacag loogu uruurin lahaa Soomaaliya. Ujeedka kulanka labada dhinac ayaa ahaa mid looga hadlayay xaaladda abaaraha ee dalka, qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’aadannimo ee 2025, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha. Inta uu socday kulanja ayaa dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la qabto shir guud oo loogu talagalay sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa dadka nugul ee u baahan caawimaadda. Maxamuud Macallin oo ka hadlay madasha ayaa ka qeyb-galayaasha si wey ugu boorriyay dhammaan hay’adaha gargaarka iyo ururada caalamiga ah in ay si wadajir ah u xoojiyaan dadaallada kaalmeynta danyarta, si gaar ah dadka ay sida daran u wax-yeelleeyeen abaaraha. Sida ay muujinayaan warbixinnadii u dambeeyay, in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah, 3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen, sida lagu sheegay warbixin horay uga soo baxday SoDMA. Dhowaan dowladda federaalka ayaa ku dhowaaqday in dalku galay marxalad abaar oo adag, loona baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii Dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November. Si kastaba, ayaa waxaa kusoo noq noqday abaaraha, waxaana ugu wacan roobabkii la filayay oo baaqday, iyada oo ay sii dheertahay colaado sokeeye oo ka jira gudaha dalka. Share this post Link to post Share on other sites