Sign in to follow this  
Deeq A.

64 milyan oo qof oo kunool geeska Afrika oo u baahan gargaar bini’aadanimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ay sheegtay Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD Bariga Afrika uu wajihi doono xaalado abaaro ah oo daran.

Xarunta ayaa sheegtay dhacdooyinkaan ay dhici doonaan inta u dhaxeysa bilaha January iyo March 2025.

Waxa ay sheegtay in dalalka Itoobiya, Uganda, Rwanda, Soomaaliya, Kenya, Brundi iyo Tanzania ay saameyn doonto abaar.

Gobolka ayaa sidoo kale wajihi doona heer-kul aan caadi ahayn xilli-roobaadka January ilaa March 2025.

Sida ay sheegtay xaruntu, gobolka dhexdiisa, keliya koofur-galbeed Tanzania iyo koofur-galbeed Uganda ayaa heli doona roob aan caadi ahayn inta muddadaas lagu jiro.

Dalalka Geeska Afrika waxay ka mid yihiin kuwa ay sida ba’an u saameysay isbeddelka cimilada, iyadoo abaaro, daadad, iyo cayayaanka beeraha ay wax caadi ah ka yihiin isla markaana heer-kulku uu gaaro 32 gigrii, sida ay xarunta sheegtay.

In ka badan 64 milyan oo qof oo Geeska Afrika ku nool ayaa u baahan gargaar bani’aadannimo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this