Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin daad qaaday xunbo cuskay – Somalia iyo colaadda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Erdogan-Abiy-Xasan-scaled.jpeg?fit=2560%

Khilaaf dhanka diblomaasiyadda oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo shaacbaxay ka dib markii Itoobiya ay Maamulka Somaliland la saxiixatay heshiis is afgarad ah oo ah in Itoobiya ay si madaxbanan u isticmaasho mid ka mid ah dhulxeebeedka gayiga soomaaliyeed. 

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa. Heshiiskan is afagardka ah ayaa waxaa si adag uga falceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Innaga oo ka hadlayna kulankii Muuse iyo Abiy Ahmed, Bisha January 1-deeda 2024 waxaa dhacay wax ku cusub waayaha iyo sooyaalka gayiga xorta ah ee Jamhuuriyada Soomaaliyeed, tani waxa ay ina tusaysaa in hadafka Itoobiya uu yahay in Soomaaliya laga weeraro halka ay ugu jilicsantahay, balse ma aqaan faa’iidada Maamulka Somaliland ay ku qabaan is-afgaradkaa haseyeeshee waxa aynu wada ognahay in Itoobiya aysan aqoonsi siin karin Maamulka Somaliland.

Haddaba ujeeddadu ma aha Maamulka Somaliland ee waa Dowladda Federaalka Soomaaliya, hadafka laga leeyahayna uu ahaa waa sida anniga ii muuqatee sidii miiska wadahadalka loo keeni lahaa madaxda Soomaaliya. Markaan halkaas marayno waxaa ii muuqata cadaawad ka dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo aan wali dabkeedii damin, taasi oo ka imaanaysa taariikhdii soo dhex martay Itoobiya iyo Soomaaliya.

Marka hore aan ku dheeraanno waydiimo dhowr ah innaga oo ka eegayna dhanka taariikhdii ku salaysneyd colaada iyo dagaalka. Aqristow bal aan ku waydiiyee ma la fahansan yahay waydiimaha soo socda. 

Bal is-waydii maxay isku hayaan Soomaaliya iyo Itoobiya muddo qarniyo ah?

Itoobiya maxay Soomaaliya ku tabaysaa ? Itoobiya maxay markasta weerar ugu tahay Soomaaliya? Soomaaliya maxay u neceb tahay Itoobiya? Soomaaliya maxay wadahadallo xal waara keena ula furi wayday Itoobiya ? Soomaaliya ma diyaar bay u tahay in ay dagaal la gasho Itoobiya ? Itoobiya masoo weeraraysaa Soomaaliya ? Hadii dagaal dhaco, maxaa xal noqon doona? Afrika sidee bay u aragtaa labada dhinac?

Marka laga yimaado waydiimahaan oo idil waxa hadda socda waxa ay ilays ka bixinayaan awoodda ay doonayso Itoobiya iyo taagyarida Soomaaliya, taas oo ina tusaysa khatarta ku soo wajahan Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa soo dhex maray dagaallo lagu hoobtay, cadaawad daba dheeraatay oo soo jiitamaysay in ku siman qarniyo badan taasi oo dabkii ka dhashay maanta dogobyo la sii saaray. Soomaaliya haba yaaraatee uma dareen la’a in khatari kulaalayso oo waliba hadda ay marayso goob halis ah. Annaga oo fahansan halka uu xaal marayo iyo sida Itoobiya ay isu diyaarinayso maxaa la gudboon soomaaliya, sow in Soomaaliya ay saaxiib dagdag ah oo u gurmada hesho mahan, sow in Soomaaliya garab istaaga beesha caalamka hesho ma ahan, sow in Soomaaliya hub iyo saanad dagaal hesho ma ahan, soo in bulshawaynta Soomaaliyeed isku duubni hesho mahan. 

Haddaba sidee bay u wajaheen Soomaalidu marxaladaan ku hareeraysan oo idil? Waa halkaan meesha aan ka ambaqaadayno daadka Soomaalida qaaday iyo halka ay xunbada ka cugsadeen.

Soomaaliya waxay xal u heshay taageerada Beesha Caalamka halka aan lagu kalsoonaan karin run ahaanshaha beesha caalamka taageeradaas ay u fidiyeen Soomaaliya, waayo dunida aan maanta joognaa waa mid ay wax jaangoyso danaha dalka wax taageeraya ka leeyahay goobta uu taageerayo. Intaas wixii ka soo hara waxa aan ognahay in ay tahay kaliya afka baarkiisa. Bal dib u xasuuso weerarkii Ruushku ku soo qaaday dalka Yukrayn, Reer Galbeedku ku ma aysan ekaan oo kaliya tageero afka ah ee waxa ay wax kasta isla garab taageen dalka Yukrayn heer ay garaan in ay ka fakaraan sidii ay ciidan ugu diri lahaayeen. Bal is-waydii aqristow Soomaaliya beesha caalamka ma ka sugaysaa taageero taas la mid ah haddii Itoobiya ay gudaha usoo gasho dalka Soomaaliya? 

Sidoo kale Soomaaliya waxaa la dhihi karaa waxa ay xal u raadin ugu jirtaa isku duubnida bulshawaynta Soomaaliyeed, walow shaqo aan dhawayn u harsan tahay Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ay wado qaldan ka baadi goobaysaa isku duubnida bulshawaynta. Bal aan isla eegno meesha laga baadi goobayo iyo sida loogu lumay jidkaas qaldan. Oraah baa tiraahda: “Haddii aad doonayso in aad badasho hab fikirka bulshada waa in aad ku eegtaa indho kale”. Haddii aan micnayno oraahdaan waxaa loola jeedaa bal u fiirso halka qulqulka bulshadu u socdo oo isku day in aad raacdo. Tani waxa ay inoo bidhaaminaysaa su’aasha ah bulshawaynta Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowliga ah ama Madaxda siyaasiga ah isku si ma u fakarayaan ? Jawaabta ka dhalanaysaahi waa maya. 

Haddaba xaggee bay madaxda Soomaaliyeed ka baadi goobayaan isku duubnida bulshada? Madaxda Soomaaliyeed waxa ay ka baadi goobayaan isku duubnida bulshada banaanbaxyo in la qabto, xaflado iyo munaasabado badan in la abaabulo lagana jeediyo qudbado dhaadheer iwm. 

Haddaba xaggee bay taalaa isku duubnida bulshada ? Waa halka ay dhalinta Soomaaliyeedi ku sii jeedaan oo ah Mareegta Intarnaydka qaasatan Baraha Bulshadu ku xariirto. Waa goobta ay tahay in laga abaabulo dhalinta Soomaaliyeed, waa halka ay tahay in loola jeesto bulshada soomaaliyeed maadaama ay maanta saamaynta ugu wayn uu ku leeyahay bulshada ababaabulkeeda. Mareegta Baraha Bulshada waa hubka ugu awoodda badan ee maanta dowlada Soomaalidu haysato. Abaabulka dhalinta Soomaaliyeed ee saamaynta ku leh Bulshada waxa ay sababi karaysaa kacdoon shicibka ah oo loo jiheeyo dhankii la doonayo markaas.

Soomaaliya xal ma u heshay hub iyo saanad ciidan si haddii dagaal u qarxo ay u difaacdo dalka iyo shacabka soomaaliyeed? Waxaan si cad u oran karnaa maya uma aysan helin xal waara baahida dhanka hubka iyo saanada ciidamada Soomaaliya ay u baahan doonan haddii dagaal qarxo. Haddaba Soomaaliya baadi goob ma ugu jirtaa sidii ay ku heli lahayd hub? Waxaa inoo muuqda ayaamahan danbe in Dawlada Soomaaliya ay ka fakartay sidii ay hub ku heli lahayd, balse tilaabooyinkii ugu danbeeyay ee ay dawlada Soomaaliya qaadaysay ma yihii kuwii ugu mudnaa.

Waxaa kale oo iyadana iswaydiin mudan hub noocee ah ayay u baahan tahay Soomaaliya? Xaggee u furan oo ay hub ka heli kartaa maadaama aysan cunaqabatayni saarnayn? 

Waydiimahan dul hoganaya caqabadda hubka ay Soomaaliya u baahan tahay ayaa ah kuwo tiro beel ah balse aan kusoo koobo intaas.  

Bal aan is-dultaagno nooca hub ee ay u baahan tahay Soomaaliya. Waxaan si fudud u dhihi karnaa Soomaaliya waxa ay u baahan tahay hub casri ah oo lagu kalsoonaan karo tayadiisa iyo tijaabooyinkiisa intaba. Hubkaasi oo ka casrisan kan Dowlada Itoobiya ay haysato.

Marka aynu sidaasi niraahno waxaan shaki ku jirin in albaabo badani ay innaga soo xirmayaan maadaama aynaan u baahnayn waxa ay hayaan ama nooca hub ee ay nasiin karaan. Haddaba Soomaaliya waxaa u furan sadex waji oo kaliya kuwaasi oo kala ah: 1- Dowladaha Reer Galbeedka iyo NATO,  2- Dalka Ruushka, 3- Dalka Shiinaha. Ifafaalihii inoo muuqday maalmahan ayaa waxa ay ina tusayaan in Dowlada

Soomaaliya ay qaadatay doorashada 1-aad oo ah in ay garab ka raadiso Dowladaha Reer Galbeedka iyo kuwa xubnaha ka ah NATO.

Hadaba Aqristow aan ku waydiiyee ma yihiin kuwii ugu mudnaa in la waydiisto garab amaba lala samaysto heshiisyo difaac ama mid dhaqaale kuu doonaba ha noqdee.

HESHIISKA SOOMAALIYA IYO TÜRKİYE

Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ansixiyay heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale oo ay kala sixiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiskaan ayaa dhigaya in toban sano uu Turkigu biyaha Soomaaliya difaaci doono, iyaga oo dhisi doona ciidamo baddeed. Tani waa talaabo weyn oo ay Soomaaliya ku xoojinayso aminga baddeeda si’ay uga gaashaamato khataraha kaga imaanaya gobolka. Hase yeeshee Turkigu ma yahay dalkii ku haboonaa in heshiiskaan lala galo mise Soomaaliya danta ayaa ku qasabtay ? Heerkee ayuu dunida ka joogaa Turkigu marka laga eegayo dhanka Ciidanka Badda iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka Badda ? Sababtoo ah heshiiska ayaa sidoo kale xoojinaya ka faa’iidaysiga kheyraadka badda. Heshiiskan waxuu u siinayaa Ciidamada Turkiga in ay la dagaalami karaan guud ahaan nooc walba oo argagixiso, budhcad badeed, kalluumaysiga sharcidarada ah, sunta lagu qubo xeebaha Soomaaliya, iyo khataraha Soomaaliya uga imanaya dibadda.

Marka aan u imaano Turkiga xaggee ka joogaa dhanka kheyraadka Badda. Sida aan ognahay Turkiga ma ahan wadan leh badwayn ee waa wadan leh bado yar yar, mana ahan wadan caan ku ah wax soo saarka kheyraadka badda nooc kastaba ha noqdee. Marka su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah sidee buu Turkigu usoo saarayaa kheyraadka dhex ceegaaga Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas? waxaa taasi sii dheer wadan aan aqoon iyo khibrad durugsan u lahayn Badaha iyo Badwaynta Hindiya sidee ugu aaminaysaa Soomaaliya badeeda oo idil? Tani waxa ay ina tusaysaa dagdaga lagu qaatay go’aanka heshiiska darafkiisa dhaqaalaha. Inta aanan loo gudbin fulinta heshiiskaan iyo hannaanka loo marayo, Turkiga waxa uu ku dhacay doorashadii koobaad ee lagu xulan lahaa waddamada awoodi kara wax soo saarka badda khibrad durugsanna u leh  Cilmiga Baddaha iyo Badwaynta Hindiya.

Waxaa kale oo is-dultaag mudan maxay tahay sababta aan heshiis dhaqaale oo dhanka badda ah ula saxiixanay wadan aan wax badan annaga nagu dhaamin dhanka Cilmiga Badda? Waa maxay danaha uu Turkiga u rabo dhaqaalaha badeena isaga oo aan cilmi iyo awood balaaran u lahayn Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas?

Marka aan u imaano Turkiga xaggee ka joogaa dhanka Ciidanka Badda. Waxaan arkaynaa in dalka Turkiga uu leeyahay 34 marakiib oo ilaalada xeebaha ah, 12 gujis, 16 maraakiibta dagaalka iyo 11 maraakiibta kahortagga miinooyinka lagu aaso badda hoosteeda, sidoo kale Turkiga waxa uu hada bilaabayaa farsamaynta maraakiibta waxaana dalkiisa ilaa iyo hadda lagu farsameeyay ilaa labo markab oo uu mid yahay markabka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn xambaara walina waxa ku socota tijaabooyinka hawlgalka.

Haddaba wadanka Turkiga, ee lagu wareejiyay difaaca xeebta ugu dheer Afrika, ma waxa uu ku difaacayaa 11’ka markab iyo 6’da gujis. Haddii Turkiga uu u soo diro Soomaaliya maraakiibtiisa dagaalka qaybo ka mid ah, yaa ilaalin doona xeebihiisa oo ka ilaalindoona Dalka Giriiga oo ay ka dhaxayso muran baddeed xooggan. 

Hadii Turkiga yahay wadan aan quwad muuqata ku dhex lahayn Baddaha Caalaamka, uusan lahayn awoodda wax soo saarka maraakiibta iyo gujisyada caalamiga ah ee maanta dunidani u baahaan tahay maxay tahay sababta Turkiga loola saxiixday heshiiskaan iyada oo la heli karay waddamo ka mudan? Waa maxay caqabada ku hor gudban in lala saxiixdo heshiiskan oo kale ah waddamada qibradaha sare u leh baddaha iyo maraakiibta dagaalka sida: Japan, China, USA, Rusia, England, India, Pakistan iwm? 

Waxaa Aqristow is-waydiin mudan waydiimahan soo socda: Bal ka waran haddii dalka Itoobiya uu soo galo Gudaha Soomaaliya, Turkiga ma difaaci doonaa dhulka Soomaaliyeed? Bal ka waran haddii danaha dhaqaale iyo kan istaraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Turkiga uu u saamixi waayo in Turkiga uu difaaco Badda Soomaaliyeed oo ay muhiim noqoto danta Turkiga la leedahay Itoobiya? Bal is-waydii sidee buu u wajahayaa ama uu u difaacayaa Turkiga dhul aysan awood ku dhex lahayn Dawlada Fadraalka Soomaaliya ? Bal sawiro Aqristow sidee buu u difaaci karaa Turkiga bulsho iyo xukuumad ogol Itoobiya oo ka soo horjeeda Dawlada Federaalka Soomaaliya? Haddii dagaal qarxo yaa qaadan doona mas’uuliyadda rayidka ku dhinta goobtaas? Bal maxay samaynaysaa Dawlada Federaalka Soomaaliya haddii Turkiga ka baxdo heshiiska? Bal ka waran haddii Itoobiya ay soo gasho goobo kale oo aan badda ahayn ee ka mid ah dhulka Dowlada Federaalka Soomaaliya maxuu ka qabaa heshiiska mase la difaaci doonaa dulkaas? Intaas iyo in kale oo badan waa waydiimaha aan cidi ka jawaabin. 

Waxaa iska cad in Turkigu doonayo sidii uu ciidamadiisa ugu heli lahaa saldhig kale oo uu ka waardiyaysto ganacsigiisa maraya Gacanka Cadan, halkaasi oo u noqon doonta goobta ay ka heli lahaayeen khibrad bulshadiisa ka aradan dhanka Cilmiga Baddaha iyo Baddwaynta Hindiya. Sidoo kale waa Halka uu faa’iido dhaqaale ugu samayn lahaa dhaqaalaha hoos udhaca ku jira ee Turkiga.

XALKA MARXALADA SOOMAALIYA

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay dadaal dheer ku bixinaysaa sidii marxaladaan culus uga badbaadin lahayd bulshawaynta Soomaaliyeed, inkasta oo ay jiraan xaalada aad moodo fududaysi iyo mid ku dhisan qiirada shicbiga ah oo u muuqata mid aan lagu salayn cilmi baaris iyo daraasad rasmi ah. Waxaa la gudboon Dowlada Soomaaliya in ay si qoto dheer u dhuuxdo xaaladaha soo wajihi doonaa ayna ka fogaato wax kasta oo dhayalsi oo keenaya khatar, sow in la abuuro mahan isku filmaansho bulsho iyada oo loo marayo in la adeejinayo qaybaha bulshada lana abuurayo isku filnaanshaha umada Soomaaliyeed  fakradaan way adagtahay in la abuuro balse waxa la dhex marin karaa  Xubnaha Awoodda Qarsoon ee Bulshada Saamaynta wayn ku leh. 

Aqoonyahanka Soomaaliyeed:- Aqoonyahan waxa lagaa doonayaa in aad qaado hawsha ugu badan ee jihaynta bulshada Soomaaliyeed si ay u gaaraan isku filnaansho dhanka wax-qabsiga iyo cilmiga ah iyo in la qabto dood cilmiyeedyo lagu falanqaynayo waxtarka bulshada, laguna fahan siinayo khataraha ka jira dunida iyo marxalada maanta dalku marayo. 

Dhallinyarada Soomaaliyeed:- Dhallinyaro waxaa idin saaran waajibka ugu culus ee ah badbaadinta mustaqbalkiina iyo kan ubadkiina. Waxa dhallinta Soomaaliyeed laga doonayo ayaa ah u istaagida difaaca Qaranimadooda iyo soo bandhigista hal abuurkooda iyaga oo ilays u noqonaya dhallinta soo koraysa iyo xoogga baritoole. 

Haweenka Soomaaliyeed:- Haweenka Soomaaliyeedow waxaa ogtihiin in aad tihiin lafdhabarta ummada soomaaliyeed, waxad qarankan u tihiin ilayska kaliya ee u baxaya.  Doorka aad ku leedahay xal u raadinta marxalada qatarta ah ee dalka Soomaaliya haysataa waxa ay noqonaysaa isku haynta bulshada kala tagtay, waxad ogaataan maanta in aad idinku tihiin aabaha iyo hooyada soomaaliyeedba idinka oo halku-dheg ka dhiganaya oraahda tiraahda: “Hawaayin wax siiso Hooyo, Hawaayin Wardheere Aabe, Hawaayin Waalaalo Dhawr ah, Hawaayin Soomaaliwaynta”. 

Kuwaani waa AWOODDA Qarsoon ee Bulshada Soomaaliyeed aysan wali isticmaalin Dowladda Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay in sare u kac laga dareemi doono Dalka Soomaaliyeed haddii si saxan loo maareeyo awooddaan. 

WQ: Ahmed Irad Mohamed
Ahmediraadmo@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this