Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka Booliska oo la kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

img_3_1735992907133.webp

img_2_1735992883441.webp

img_1_1735992861756.webp

img_4_1735992929116.webp

img_6_1735992970664.webp

img_7_1735993006299.webp

img_8_1735993023844.webp

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi ayaa kulan la qaatay Ururada Bulshada rayidka ah ee Somaliland, kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka.

Kulankan ayaa muhiimaddiisu ahayd isbarasho Wasiirka iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, dhinaca kalena Wasiirka iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa iska xog-waraystay xaalad guud ee Dalka, Doorashooyinkii Dalka ka qabsoomay, kuwaasoo u dhacay xor iyo xalaal iyo wada shaqaynta Wasaaradda Amniga iyo Ururada Bulshada Rayidka ah.

Ururada Bulshada Rayidka ah oo uu Hogaaaminayo Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa Wasiirka uga mahadnaqay qaabiladda iyo soo dhowaynta, iyadoo la isla qaatay in si dhow looga wada shaqeeyo arrimaha Dawladnimada, Nabadgelyada iyo hanaanka Dumuqraadiyada.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha JSL.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this