Sign in to follow this  
Deeq A.

Maanta Somaliland waxa ay maraysaa dhabadii abid ugu fiicnayd loomana baahna doco docayn

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa aan salaamayaa dhamàan umadda reer Somaliland gudo iyo dibadba salaan ka dib waxa aan qormadani oo joogta noqon doonta aan kaga hadli doonaa xaalada uu maanta dalkeenu galay ee is bedelka ee dhabada lagu saaray sidii umadda loo midayn lahaa isla markaasina si wada jir ah wax loogu wada qabsan lahaa.

Waxa aynu ka soo baxnay mugdi inaga oo u soo baxanay iftiin iyo rajo, taasi oonay maanta qaar faro ku tiris ah oo inaga ahi ay rabaan in ay dib inoogu celiyaan maalmihii madoobaa  iyaga oo maalmihii u danbeeyay shaqsiyaad gaar ahii ku hamiyaayay in ay dad kala nooc ahnisu keenaan oo ay ku andacoodaan in dalkii meel halis ah uu maraayo oo ay haboontahayn in baaqyo la soo saaro kuwaasi oo lagu sheegaayo in xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ay wadankii meel xun la marayso, arinkaasi oo xaqiiqda ka fog isla markaasina ay salka uun ku hayso dad meesha ku qabi jiray dano gaar ah oo adkaysan kari waayay labadii bilood ee isbadalku curtay.

Dawladda maanta jirtaa ee uu hogaaminaayo Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waa dawladii mustaqabalka iyo midnimadda Somaliland maantana ma joogto meel laga dayriyo ama walwal laga muujiyo waxa ay Somaliland ku jirtaa gacmo aamin ah oo u baahan in la garab istaago inkasta oo ay xaalado  ka taaganyihiin  bariga Sool iyo bariga Sanaag kuwaasi oo ay ka midyihiin raadadkii ay xukuumadii hore ka tagtay, hadana tan iyo intii uu madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu xilka qabtay waxa uu dhowr jeer uu ku  baaqay nabad iyo sidii loo dhamayn lahaa wixii khilaaf ah ee jira, waxana xukuumadda hada ka go’an in wax walba lagu dhameeyo wada hadal iyo nabad taasi oo dadka deegaanadaasi galisay rajo fiican iyaguna ay kaga fal celiyeen in ay nabad rabaan.

Dalku waxa uu leeyahay xisbiyo mucaarid oo loo doortay toosinta iyo baraarujinta xukuumadda iyagaana xaq u leh hagida siyaasada ee dhaliisha xukuumadda wixii intaas dhaafsiisana waa sheeko kale oo laga war hayn doono.

 

La so.qormada tan xigta

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this