Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Strange Killings Continue in Bosaso

Recommended Posts

Bosaaso:iimaam Masjid oo xalay la dilay

 

 

Waxaa habeenkii xalay lagu dilay Xaafadda Raf iyo Raaxo ee Magaalada Boosaaso Iimaamka Masaajidka Ramadaan Sheekh Gacameey oo ahaa muddo Wadaad Tujin jiray Muslimiinta.Sheekha ayaa la dilay kadib markii uu Salaada Cishaha ka soo baxay oo uu soo Tujiyey Dadka ku xiran Masjid Ramadaan ee ku Cibaadaysta.

 

Dilka Wadaadkan Caalimka ah ayaan la garaneyn ilaa iyo Hadda cid ka dambaysay oo si rasmi ah loogu soo qabtay, waxaadna moodaa in la beegsanayo maalman Dadka Diinta u qidmeeya ee Wadaadada iyo Culimaa’udiinka Boosaaso. Wadadka Xalay la dilay sheekh Gacamey wuxuu ahaa Mufti si weyn Cilmiga uga marin jiray Masaajidka Ramadaan oo Cod Macaan marka Salaada lagu jiro dadka ku Tukuda ay ku soo dhici jirtay qiiyo iyo Alle ka cabsi.

 

Dilalka Magaalada Ganacsiga ee Boosaaso ayaa noqday mid isa soo taraya oo aan kala go laheyn, waxaana la ugaarsanayaa dadka Magac ku leh wagaradka iyo Culimada, mana jirto talaabo la tilmaamikaro oo ay dowladda hadda ka jirtaa Puntland ay ka qaaday. Dadka dhaliila Siyaasadda Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegaya in uu ku guuldareystay Amaanka Puntland gaar ahan Boosaaso oo uu wax ka qaban waayey, iyadoo dhaqaalaha soo xarooda dowladda Puntland oo sadex jibaar ka badan yahay xiliyadii maamuladii ka horeeyey, loona baahnaa in Amaanka guud wax weyn looga qabto.

 

Dad badan waxay rumeysan yihiin inuu jiro kooxo kala duwan oo dhinacyo badan ka shiidaal qaadanaya oo ku lug leh dilalka qorsheysan, kuwaasoo isugu jira Kooxaha Dagaalama ee xag-jirka iyo Dowladdo shisheeyo kooxo u shaqeeya oo ajanabi ah sida Itoobiya, waxayna warar hoose sheegayaan in boqolaal ku hubeysan Bistoolada ay dhex joogaan Magaalooyinka Puntland oo u shaqeeya Itoobiya iyo wadamo kale oo doonaya in laga dhameeyo Dalka waxgaradka culimada iyo inta Talada wax ka toosinkara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Faroole oo Nin Waalan ku Toogtay Boosaaso

 

 

Habeenimadii Xalay waxaa si bareer ah Ciidamada Faroole ugu toogteen Bartamaha Magaalada halka loo yaqaan isgoyska Gaaca Nin Waalan oo lagu magacaabi jiray Jaceylow. lama garanayo sabababta Ciidanku u dileen Ninkan waalan ee laga yaqaanay Bosaaso, hase ahatee wararka laga helayo Ciidanka waxay sheegayaan in ay ka shakiyeen inuu dil u geysto oo ay u maleeyeen Ragga Ciidamada Ugaarsada.

 

Ma ahan dilkan Ninka waalan mid cusub ee horay waxaa magaalada Boosaaso Ciidamada Faroole ugu dileen sadex Nin oo dadka waalan ee magaalada iska gaafwareega ahaan jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin Maskiin ah oo Garoowe lagu dilay

 

 

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Nin Maskiin ah oo Habtiisa la Sooco lagu dilay Gudaha Garoowe oo Caasimada PL lagu sheego, dilkaasi ayaa waxa Gaystay Nin ay Walaalo Yihiin Hassan Abshir Faarax oo ah Xildhibaan Dawlada Somaliya, Sidoo kale ninkaasi dilka Fuliyay wuxuu Sheegtaa Taliye Ciidan oo Saldhig Garoowe ah.

 

Qof qariyay Magaciisa oo Garoowe nagal hadlay ayaa sheegay in dilkaasi dhacay xili uu Maxbuus ahaa ninka Geeriyooday oo ay Sil Silad Labada Gacmood kaga xidhnayd.

 

Qoyska Ninkan ayaa la sheegay inay Yihiin dad Sabool ah oo Meeshaasi aan Wax awood ah Ku lahay.

 

Warbaahinta PL kama aysan hadlin dhacdaasi waxan aanu Door Bidaynaa inay Hay’adda Xuquuqda Insaanska sida Ammnesty International iyo Humman Rigthts, ka Faalooda ay Warbixintaasi Gaadho.

 

Inta badan Dhacdooyinka gudaha caasimada ka dhaca PL ayaa la qariyaa oo daaha la saaray si aanay u ogaan Beesha Caalamku Amaan darada iyo Xusuuqa Gobolkaasi ka Jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Faroole and the Garoowe enclave have failed miserably. These problems stem from prolonged injustices instituted in the city.

 

May Allah have mercy on those who died.

Share this post


Link to post
Share on other sites

on EID day VP was talking this Imaam killing and he said some pple were saying Govt and PIS are behind the killings,, No it's THEM!! :D who are they mr VP?

Share this post


Link to post
Share on other sites

I said "Strange Killings" here ,,,, coz crime happens everywhere in the world. I'm talking about killing dadka waalwaalan, macalimiinta, miskiin dawarsanaya and so on ,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^How is he confusing people?. He posted what he saw, mise inuu qariyo ayay ahayd?.

 

Adaa lagaa rabaa jawaabta: why strange killings without " "

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ there is nothing to hide Adeer, the security situation in Putland is improving Alhamdulilah, the Al Shabaab group and their agent have been isolated in remote hill tops in Sanaag.

 

Puntland as you can see is not a place were Al Shabaab can take root and they will be hunted down.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Maadey is always salivating from the mouth at the prospect of death & destruction in Puntland, However his little cult and their delusions wont effect us. Puntland is made of sterner stuff.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this