Deeq A. Posted January 2 Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi culus oo ay soo dirtay dowladda Itoobiya, kuwaas oo wada-hadallo xasaasi ah la yeelan doono madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya. Wafdiga ka socda Itoobiya oo lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Mesganu Arga iyo Wasiirka Gaashaandhigga Aisha Mohammed Musse, kuwaas oo wada-hadal ka bilaabaya Muqdisho. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Itoobiya ay dowladda federaalka kala hadleyso arrimo ku aadan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee kamid noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM iyo dhammeystirka heshiiska ay dhowaan labada dal ku gaareen magaalada Ankara. Itoobiya ayaa raadinayso marin badeed ay si sharci ah ku hesho, waxayna haatan kala macaamileysa dowladda Soomaaliya oo horey u diiday heshiiskii ay la gashay Somaliland. Horay dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan dalka waxaana loo qabtay 31-kii bishii dhammaatay, balse weli ma bixin, waxaana qorshaha Itoobiya uu yahay inay sii joogto, qaybka kasii ahaato howlgalka ka socda dalka. Dowladda Itoobiya ayaa isku dayeysa inay ku qanciso madaxda Soomaaliyeed inay ciidankeeda kasii mid ahaadaan howlgalka Midowga Afrika, waxaana horay labada dal ay heshiis uga gaareen murankii ka dhashay badda, kadib wada-hadallo ka dhacay gudaha magaalada Anakara. Waxaa kale oo jirta in Masar ay qayb ka tahay howlgalka cusub, iyada oo maalmaha soo socdo soo diri doonto ciidamadeeda, waana dal ay is hayaan Itoobiya. Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Soomaaliya ay wafdi culus u dirtay Addis Ababa, kaas oo wada-hadallo la yeeshay madaxda sare ee dalkaasi. Share this post Link to post Share on other sites