Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Warsangeli oo ku dhawaaqday in Somaliland burisay Heshiiskii Nabadda Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1735808989292.jpg?resize=720%2C71

Bayaan ka soo baxay Shirkii dhawaanahan degaanka Ceelbuh uga socday Beesha East Sanaag Clan ayaa lagu shaaciyay in uu buray heshiis beeleedkii lagu wada degganaa magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Bayaanka Shirka East Sanaag Clan oo ka kooban 7 qodob ayaa lagu caddeeyay in uu gebi ahaanba buray heshiis beeleedkii(Afarta qabiil) ee lagu wada degganaa magaalada Ceerigaabo, kaddib markii ay burisay Beesha Isaaq, sida bayaanka ku xusan.

Beesha East Sanaag Clan ayaa sidoo kale go’aamisay in su buuxda loo difaaco degmada Ceerigaabo, oo ay Somaliland xoog ku qabsatay, islamarkaana ay ka bara-kicisay dhammaan dadkii ku abtirsanayay beelaha Harti sidoo kalena la wareegtay dhulkoodii iyo hantidoodii.

Beeshu waxay caddaysay in dhammaan waxyeellooyinka naf iyo maalba leh ee ka dhacay magaalada Ceerigaabo ay mas’uuliyadeeda qaadayaan Somaliland iyo Beesha Isaaq ee Maamulkaasi leh, maadaama ay duullaan beelaysan ku soo qaadeen magaalada.

Shirka waxaa sidoo kale lagu magacaabay guddi qaabilsan difaaca iyo dagaalka oo ka kooban 35 xubnood, waxaana lagu ballamay in Shir weyne kale oo aaya-ka-tashi ah la isugu yimaado 15 bisha Feb 2025.

Halkan ka akhriso bayaanka Beesha East Sanaag Clan

FB_IMG_1735807083039.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1735807087031.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Beesha East Sanaag Clan oo ku dhawaaqday in Somaliland burisay Heshiiskii Nabadda Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this