Jacaylbaro Posted July 26, 2007 Wefti Ka Socda Rugta Ganacsiga ee Talyaaniga Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland Hargeysa(Qaran), wefti ka socda rugta ganacsiga dalka talyaaniga ayaa galabta socdaal ku yimid Somaliland, waxana madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey masuuliyiinta Rugta ganacsiga Somaliland iyo Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamed Jiciir. Weftigan oo uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga talyaaniga oo ay xubno ka yihiin laba sarkaal oo kale oo ka tirsan Rugtaas, waxana ay dalka joogi doonaan muddo Saddex cisho ah.. “Waxaan Somaliland u nimid in aanu derisno heerarka ganacsiga dalka”. Ayuu yidhi madaxa weftigan oo warbaahinta madaarka Hargeysa. Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyey “waxa kale oo aanu u soconaa sidii aanu xidhiidh iskaashi ula sameyn Rugta ganacsiga Somaliland”. Xoghayaha Guud ee Rugta ganacsigu waxa uu booqashadiisan ku tilmaamay mid taariikhiya, “waxa aan ka mahad-naqayaa sidii la iigu soo dhaweeyey xafiiska Somaliland ku leedahay Ethiopia”. Ayuu yidhi. Weftigan oo aan socdaalkooda hore loo sii sheegin waxa madaarka ku qaabilay Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Cabdiraxmaan Faarax Sugaal iyo Maayarka Hargeysa Eng. Jiciir. Weftigani muddada ay joogaan dalka waxa ay kulamo la yeelan doonaan wasaaradaha Qoyska, Caafimaadka iyo Shaqada, Rugta Ganacsiga iyo Golaha Deegaanka Hargeysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 27, 2007 Weftigii Rugta Ganacsiga Talyaaniga Oo Kulamo La Yeeshay Madaxda Dawlada Hargeysa(Qaran)- Weftigii ka socday Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa la kulmay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland C/Laahi Ismaaciil Cali [Cirro],Gudoomiyaha rugta Ganacsiga iyo Ururka warshadlayda Dalka. Wasiirka arrimaha guduha oo xafiiskiisa ku qaabilay Weftigaasi ayaa uga xog waramay xaalada Nabadgelyo ee Dalka iyo marxaladihii kala gedisnaa ee ay soo martay,waxana uu sheegay in xasiloonida la isku halayn karo ee ka jirta Somaliland ay u qalanto in Ganacsatada caalmku ay Maalgelin ku sameeyaan. Wasiirka daakhiligu waxa uu xusay in Wasaaradiisu ay u baahan tahay sidii ay Ciidamada Ilaalinta xeebaha loogu heli lahaa tababaro kala duwan. Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee rugta Ganacsiga Talyaaniga ayaa sheegay in loo baahan yahay in labada dal ay yeeshaan Xidhiidh iskaashi. “Waxa loo baahan yahay in labada Rugood ee Ganacsiga iyo magaalooyinka Somaliland iyo Talyaaniga ay abuuraan qaabkii ay isku kaashan lahaayeen”ayuu yidhi Madaxa weftiga Talyaanigu. Sidoo kale waxa weftigaasi la kulmeen Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Iyo ururka warshadlayda Somaliland. Weftigan oo ka kooban sadex xubnood waxa ay Somaliland ku joogayaan socdaal sadex cisho ah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 29, 2007 Madaxweynaha Rayaale Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Rugta Ganacsiga Talyaaniga Hargaysa (QARAN)- Madaxwaynaha JSL mudan Dahir Rayaale Kaahin ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi ka socda Rugta Gancasiga ee Dalka Taliyaaniga oo uu hogaaminaayo Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga ee Dalka Talyaaniga Mr. Vincenzo Viggiani, sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafdeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnyahay Afhayeenka isla markaasna ah taliyaha Madaxtooyadda Somaliland ee saxaafda, oo loo qaybiyay saxaafda. Wefdigaas oo mudo dhawr maalmood ah socdaal gaaban ku soo gaadhay Somaliland waxa ay Madaxwaynaha JSL ka wada hadleen arrimo ku saabsan xidhiidhka Ganacsi ee Dawlada Talyaanigu ay damacsantahay inay mustaqbalka la yeelato JSL. Mr. Vincezo oo ka hadaalaya ujeedada socdaalkooda waxa uu sheegay in laanta Rugta Ganacsiga ee Talyaanigu ay xidhiidh la lahaan jirtay Wadankii la odhan jiray Somalia hase ahaatee ay tahay markii ugu horaysay ee ay yimaadan JSL waxaanu qiray waxyaabaha horumarka ah ee Somaliland ay qabsatay taas oo uu gaadhsiindoono wadamada Isbahasiga Reer Europe (EEC). Madaxwaynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Wefdiga u sheegay in isagoo ka duulaya Socdaalkiisii uu ku tagay Dalka Talyaaniga iyo Wefdigan haatan booqashada ku yimid Somaliland inay noqdaan kuwo albaabada u fura iskaashiga dhinaca Ganacsiga iyo horumarka Dhaqaalaha ee labada Wadan Talyaaniga iyo Somaliland inay noqdaan kuwo sii Xoogaysta. Madaxwaynuhu isagoo tibaaxaaya dhinaca horumarinta dhaqaalaha iyo baahida dhinacyada Bulshada Somaliland wuxuu ku booriyey in Gaadhsiiyaan Dawlada Talyaaniga inay u soo dirtaan Wufuud ka xog waranta baahiyooyinka Dhaqaalaha JSL maadaama Talyaanigu yahay Wadamada qaynta wayn ka ah Deeq bixiyeyaasha Dalka EU-da Wafdiga Talyaanigu intii ay joogeen Dalka waxa ay kulamo kala duwan la yeesheen Wasiiro ka tirsan JSL iyo Saraakiil ka tirsan Rugta Ganacsiga. Madaxwaynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin wuxuu Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi ka socda Laanta Aduunka u qaabilsan Caafimaadka iyo suuq-gaynta Xoolaha Nool ee (OIE). Wefdigaasi oo uu hogaaminaayey Dr. Ghazi Yehia oo ah ninka madaxda ka ah Laanta OIE qaybteeda Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ujeedada socdaalkoodaasi wuxuu yahay in ay talo bixin ka soo jeediyaan sidii Maxjarka Balaadhan ee laga dhisidoono Magaalada Berbera laguna eegi-doono Caafimaadka Xoolaha loo dhoofinaayo Wadamada dibada sidii loo waafajin lahaa heerka Caalamiga ah ee Dunida. Wefdigu inta ay joojeen waxa soo booqdeen Dekada Magaalada Berbera iyo meelaha lagu hakiyo xoolaha nool inta aanay ka dhoofin Dekada. Cumar Maxamed Faarax Qarannews/Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites