Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu XAMZA kala hadlay haweenka uu maanta la kulmay? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
472303157_952913180271162_90909948774514

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kula yeeshay haweenka ololaha hooyo u hiilli qaranka.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay kaalinta ay haweenka ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyi-gelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey haweenka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen difaaca dalka, sugidda amniga, garab istaagga ciidamadda qalabka sida, xallinta khilaafaadka, horumarka dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

“Haweenka Soomaaliyeed waxaan uga mahad-celinayaa doorka ay ka qaateen dagaalka Khawaarijta dalka looga sifeynayo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare oo hadal u jeediyey haweenkii uu la kulmay

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan u qiraya (haweenka Soomaaliyeed) kaalinta ay ku leeyihiin dhiirri-gelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, taas oo ah mid muuqata oo muhiim u ah dib-u xoreynta dalkeenna.”

Mudane Xamza ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed laga doonayo waqtigan in si wadajir ah loo hirgeliyo hiigsiga qarankeenna, si aynu uga *****no Soomaaliya nabad ah, xasilloon, oo horumar waara gaarta.

472303157_952913180271162_90909948774514

471821955_952913640271116_17635755958383

472256118_952913753604438_51862700421899

471917913_952913680271112_65556918752815

472256117_952913190271161_11215655203283

472172268_952913793604434_43306169992478

472263751_952913553604458_79192638744686

472038796_952913516937795_28495093622545

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this