Sign in to follow this  
miles-militis

Wellcome To Bosaso City (PSS)

Recommended Posts

Here is the feedback of a son of Puntland visiting the land of Somalis.

 

Xaaladda PuntLand - Bosaso, Qardho, Garowe, Burtinle, Gaalkacyo

 

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu

 

Bacda Salaan :

 

Walaalayaal aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay in aan manta idiin soo gudbiyo Xaaladda dhabta ah ee kajirta Deegaanka uu maamulo Mamul-Goboledka PuntLand ee looyaqaan Punt Land State Of Somalia (PSS).

 

Xog warankani waxa uu u bilabmayaa Qaabkan oo ah sida ay magaalooyinka Degankaasi inta aan kakaro isagu xig xigan Tusaale ahaan -

 

Bosaso, Qardho, Garowe, Laascaanood, Burtinle, Bacaadwayn iyo Galkacyo. Haddaba waxan ku bilabayaa qoralkan Magalada Bosaso o aan ku hormaray.

 

Bandar-Qasin Air Port waa garoonka diyaaradaha ee Bosaso, Waxan garonkan ka dagay Abaartu markii ay ahayd saacadda Bosaso 9:45 Daqiiqo Garonka diyaaradda markii ay soo caga dhigatay waxay indhahaygu qabteen qaddar Dherer ah oo logu talagalay in diyaaraddu ay isku soo kala wareejiso, markii diyaaradda ay isa soo wareejisay ayaan waxan arkay nin dhalin yaro ahi oo sita dhar isku joog ah oo dhammaantoodba ay isku nooc ahaayeen ,waxa uu sitay ninkaasi (Shaar Gacmo dheer ahi oo Baluug ah iyo Sarwaalkiisii) waxa uu ninkaasi gacanta ku hayay Calaamad uu'u haadinayay diyaaradda ,dabadeedna diyaaraddii ayaa si qabow usoo wajahday halkii uu utilmaamayay.

 

Markii ay diyaaraddii istaagtay ayaan waxaan usoo baxay bannaanka Garonka ,durbadiiba waxaa isaaqay Hawo aad ukulul iyo Qorax, waxaa markiiba nala soo istaagay waaxda socdaalka ee mamulka PuntLand waxayna nawaydiiyeen inaan kusoowareejino PassaPoradeena, markii passa Porada nalaka qaday ayay dadkii waxay ku yirahdeen (Dadka Transit-ka ahi Fadlan diyaaradda yaysan kafogaan, Diyaradduna Way kacaysaa ).

 

dadkeenii socodkoodu ku'ekaa Bosaso PassaPoradooda waxa lawareegay waaxda socdaalka Punland , dabadeedna waxay nageyeen xafiis ay joogaan dhowr nin oo mid walbaa uu hor fadhiyo miiskiisa ,waxad istaagaysaa Dariishad aad ka eeganayso PassaPort-kaaga, PassaPorada waxa lookala saarayaa Laba qaybood oo kala ah (Somali PassaPort - Foriegn PassaPort) haddii PassaPortkaagu yahay somali waxaa la'eegayaa oo kali ahi in PassaPort-kaagu yahay Mid wali shaqaynaya iyo in kale, Haddii uu shaqaynayo oo aad haysato deganansho wadan kale waxa lagaa eegayaa in degananshahaasi yahay mid wali shaqaynaya ,haddii uusan dagananshahaasi shaqaynaynin oo uu dhacay waa lagu ganaaxayaa .

 

Haddii PassaPort-kaagu yahay FORIEGN waxaa lagaa qaadayaa Lacag canshuur ahi oo cadadkeedu yahay ($20) Dolar waxana lagu siinaya Warqad caddayn ah oo muujinaysa in aad bixisay Cashuurtii (Rasiid), Bandar Qasin Air -Port waxa ku wareegsan Salig, dadkuna Bananka ayay tuman yihiin looma ogola Gudaha Air Port qof aan shaqo ku lahayn, Markii ay howsheyda iiga dhammaatay Air Port-ka waxaan soo beegsaday oo cagta soo saaray -waddadii Magalada Markii aan kasoo baxay Iridkii Air Port-ka waxa ay in-dhahaygu qabteen Tabeelooyin (Boards) xayaysiin ah oo u qoran sidan:

 

 

Well Come To Bosaso City (PSS).

Dowladda Hoose ee PuntLand (PSS)

Amal Bank of Somalia Bosaso

Barakat Bank and Telecommunication Bosaso

Dhabashiil Bank of Somalia

Al-Khayrat Bank of Somalia

North Eastern Coast Communication (NETCO)

Hotel Huruuse IWM (ETC).

 

Markii aan Magaalada soo galay waxan kusoo dagay Hotel Huruuse oo kuyaal Magalada Bartamaheeda, Hotelku waxaa uu kakoban yahay Laba Dabaq oo aad looga shaqeeyay, Hotelka Gabigiisaba waa Mutuleel ,Korontada iyo biyahaba Waa Joogto oo lagama yaabo inay go'aan, qaabka Hotelka loo dagayo ayaa waxay u qaybsan tahay laba qaybod oo ah (Single Iyo Double) Qolkastaana waxaa kuugu yaal Musqushiisii ,haddii qolku yahay Laba sariir (Double)waxaa sariirtii lagu seexanayaa Lacag dhan (80,000Pshs)lacagtaan waxay u dhigantaa Dolar ahaan Xilligaas aan joogay ($4)Dolar haddii aad rabto Single-na waxad ku seexanaysaa lacag dhan -(160,000Pshs) lacagtaan waxay u dhigantaa Dolar ahaan ($8)Dolar.

 

Hotelka waxaa kuugu yaal gudihiisa Maqaayaddii rashinka aad ka cuni lahayd oo aad ka helayso shaqale ka'adeega Hotelka gudihiisa,waxad Dareemaysaa Macaan Marka aad Cuntada Dalbato, maxaa yeelay Cunto ay waqti hore kuugu danbaysay ayaad helaysaa oo dhadhan keedu kusoo jidanayo,waxad helaysaa Hilbkii oo Hadda la karshay ,Caanihii Geela oo isagu jira Dhay ,Suusac, Garow, Waxa taas dheer waxad helaysaa Biyihii Qaraha, Liinta, Babaygii, Muuskii , oo intaba aad arkayso oo hortaada laguugu diyaarinayo, Marka aad cuntada afka ka qaaddo waxaa kugu soo dhacaya inaad markale Dalbato cunto kale maxaa yeelay jirkaaga ayaa u baahanaya Cuntadaas macankeeda, caafimaad ayaad dareemaysaa, Hotelku waxad ku yaal qol kastaa IC-gii loogu talagalay Xilliga ku laylaha in ay dadku isticmalaan , IC-ga waxaa ladaaraan Fiidkii Waqtiga salaadda cishe ka dib waxana uu shidnaadaa Illaa laga gaarayo Saladda Subax, Maalinkii waxa dib loodaraa Xilliga Saladda Duhur illaa Saladda Casar.

 

Mar aan goor casarkii ahi Nin dhallin yaro ah oo saaxibkey ahi aan ka codsaday in uu isoo tuso Dakadda Bosaso ayaa waxaan arkay dad aad u tiro badan oo kasoo qul qulaya Dakadda, iyo kuwo kale oo aan kayarayn kuwaas hore oo kusii qul qulaya Dakadda, markasan saaxiibkeey waxan waydiiyay Dadkan soo qul qulaya shaqadii ayay ka baxeen lakin kuwaan kusii qulqulaya maxay yihiin , waxa uu iigu jawaabay Walaal Habaynkii ayay illaa laga gaaro (12:30) Fiidkii ayay shaqeeyaan , Dakadda waxaan ku arkay Doonyo iyo Maraakiib waawayn oo sida Bagaash iyo Gawaari, Doon yuhuna waxa ay kayimadeen Dalalka Carabta sida Dalka Isu Tagga Imaradka Carabta iyo Yaman, Maraakiib tana sidasoo kale .

 

Subax nimadii markii aan kasoo baxay Hotelka oo ahayd saacaddu (7:25)Daqiiqo Aroortii ayaan kusoo beegmay Saldhigga Boliska ee Bosaso ,iyado calankii Somaliya Lasarayo waxn lakulmay Dhowr qof oo shacaka aan u maleeyay inay ahayeen iyo Laba Askari,Markii Firinbigii Dhacay oo lataagayo Calankii ayaa Laba Qof oo shacabka ahi oo hortayda socotay ay halmar istageen, waxan is arkay Anigoo socda ,markaasaan dareemay in calankii Lataagayo waan istaagay,Indhahaygu waxay qabteen Askarigii labad oo Taagan Isna si wadaniyad ku jirto, hal mar ayaa waxa isaaqay dareen wadaniyad oo aanan garanaynin Xilligii iigu danbaysay, waan murala dilacay oo naxay xasuus galay,waxan ka yaabay qaybo dalka kamid ahi inay ka jirto wali Rabitaan wadaniyadeed.

 

markii waagii baryay ayaan magalada si fiican ugu baxay waxan soo galay waddo ay baabuur haraysay,waxan arkay Niman Police ahi oo sita babur SUSUKI ah oo ay ku qoran tahay POLICE, Rinjigeeduna Baluug yahay, Garigaas waxa saarnaa rag gaaraya illaa (4Nin) wax hub ahi mawadan laakiin waxay wateen Buugag ay gawaarida Rasiidyo oga jarayeen ,iyaguna waxay xirnayeen Shaarar Cad cad iyo Surweelo Kaki ah ,mid kamid ahi wiilashaas Police ahi waxaa uu Xirnaa Shaar ka duwan kuwa wiilasha kale ay wataan oo Tuute ayuu labisnaa Xidig-na waa u xirnayd, Baburta waxa laga eegayay inay Bixiyeen canshuurtii gaariga midkii aan bixin waxa laga qadayay Lacag dhan (2000Pshs)dabadeedna waxaa lafarayay inuu Tago Xafiiska Dowladda Hoose Ee PuntLand Laanta Caymiska.

 

Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike

faaraxbotan@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this