Deeq A. Posted January 1 Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdooyin is xig-xiga oo kala saameyn badan ayaa sanadka 2024 ka dhacay dunida, waxa ay galeen diiwaanka iyada oo mid weliba qaanad uu ka galay dhinaca saameynta haddii ay ahaan lahayd mid taban iyo mid togan. Waxaa halkaan idin kugu soo gudbineynaa tobankii dhacdo ugu saameynta badnaa ee 2024, waxaa jiray dhacdooyin kale oo kuwaan ka badan balse waxa aan kasoo xulnay tobankaan maadaama ay ka saameyn badnaayeen kuwa kale. 2dii April 2024, Bassirou Diomaye Faye waxa uu noqday Madaxweynihii ugu da’da yaraa Dalka Senegal, waxa uu bannaan joog ahaa wax ka yar labo todobaad maadaama xabsigii uu ku xirnaa laga sii daayay 14kii Maarso. 23kii May 2024 waxa ay Dalka Iiraan u ahayd maalin murugadeeda wadata kaddib markii Madaxweynihii Dalkaas Ibraahim Ra’iisi uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ilaa haatan aan si rasmi ah loo faah-faahin waxa rasmiga ah ee sababay, waxaa la dhintay Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda. June 2024, Soomaaliya ayaa ku guuleysatay mid kamid ah 10ka kursi ee Golaha Ammaanka ee doorashada ku yimaada, Guushaan waxa ay Soomaaliya kaga dhigan tahay in ay Afrika ku metasho 2025 fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Horraantii July 2024, Dibadbaxyo waa weyn oo salkoodu ahaa canshuur kordhinta ay sameysay Dowladda Kenya ayaa gilgilay Magaalada Nairobi, waxaa dibadbaxyadaas xilkooda ku waayay Wasiirro katirsanaa Xukuumadda Ruto iyo Mas’uuliyiin kale. 31kii July 2024, Magaalada Tehran waxaa lagu dilay Madaxii ugu sarreeyay ee Dhaqdhaqaaqa Xamaas Ismaaciil Haniyah oo xiligaas ka qaybgalay aaska Madaxweynihii Iiraan ee shilka Diyaarad ku geeriyooday. 5 August 2024, Haweeneyda Ra’iisul Wasaaraha ka ahayd Dalka Bangladesh Sheikh Hasina Wazed ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay Xilkaas kaddib markii ay xooggeysteen dibadbaxyada ka dhanka ah Nidaamka Shaqaaleysiinta Dalkaas. 27kii September 2024, weerarkii ugu cuslaa ayay Israa’iil ku qaadday goob ay joogeen madaxdii ugu sarreysay ee Ururka Xisbullaah, waxaa halkaas ku dhintay Xogyahe Xasan Nasrullaah iyo mas’uuliyiin kale, waxaa uu weerarkaas sababay dagaal toos ah oo labada dhinac dhexmaray. 16kii October 2024, weerar lama filaan ku ahaa Israa’iil ayay ku beegsatay goob uu joogay Ninkii lagu baddelay Hoggaamiyihii Xamaas ee loosoo gaabiyo YS ama loo garan ogyahay Abuu Ibraahim, waxa uu qorshahaas kordhiyay xiisadda bariga dhexe. 5tii Nofeembar 2024, Dalka Maraykanka waxaa ka dhacday Doorasho uu ku guuleystay Donald Trump, waxa uu ka adkaaday Kamala Harris maadaama si kedis ah ugu soo baxday loolan kaddib markii Joe Biden uu isaga haray u tartamidda Doorashadaas. 8dii December 2024, waxaa kacdoon muddo kooban ah lagu jebiyay gidaarkii adkaa ee Bashaar Al-Asad, Mucaaradka ayaa qabsaday guud ahaan Dalkaas, waxaana lasoo afjaray kontankii sano ee Maamulka Xaafid Asad iyo wiilkiisa Bashaar. Kuwaan waxa ay ahaayeen tobanka dhacdo ee ugu saameyn badan ee dhacay 2024, waxaa jira dhacdooyin kale balse tobankaan ayaa kasoo dhex xulnay. Isha: Mustaqbal Share this post Link to post Share on other sites