Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Masar oo ciidamo Cirka iyo Badda ah u soo diraysa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1735721790556.jpg?resize=700%2C49

Dowladda Masar ayaa Soomaaliya usoo diraysa ciidanka cirka iyo badda oo la sheegay in ay qeyb ka noqonayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ay Masar noqonayso dalkii u horreeyay ee ka tirsan Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya usoo diraya ciidanka cirka iyo badda.

Ciidamada Masar ayaa sidoo kale joogitaan ku yeelanayso dhulka , waxayna ciidanka Masaarida ilaalin doonaan madaxda sare ee dawladda iyo xarumaha muhiimka ah ee hay’adaha dawladda, taasi oo ay u dheertahay in ay usoo diri doonaan Soomaaliya la-taliyayaal sare oo militari, sida ay ku warrantay shabakadda The National ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta.

Howlgalka AUSSOM, wuxuu isku rogay howlgal loolan siyaasadeed oo kulul; Howlgalka ay tahay in uu bilowdo wixii ka dambeeya maanta (1 Jannaayo,2025) ee AUSSOM, ayaa si dhaqso ah u muujinaya sida ay maalmaha u yihiin kuwa xasaasi ah, sabab la xiriirta loolanka siyaasadeed ee dalalka oo howlgalkan uu dhexda u galay .

Mid ka mid ah marxaladda ugu adag ee ku dhex jira howlgalkan waa Masar iyo Itoobiya , oo mid kasta uu doonayo in kan kale laga tago , waxayna uga baahantahay Soomaaliya in ay xal u hesho cadaawada taariikhiga ah ee dhaxeysa labadan dal in ay saameyn ku yeelato gudaha dal iyo howlgalka xasillinta Midowga Afrika.

Is afgaradka Ankara ayaa sidoo kale sare u qaadaya loolanka aamusan ee gobolka oo u dhaxeeya Masar iyo Turkiga. Tan oo la arkay markii ay Masar si deg deg ah uga dalbatay Soomaaliya inay faahfaahin ka helaan is afgaradka ay la gaareen Itoobiya goob kale oo Masaarida iyo Turkida uu loolankooda ka jiro waa Suudaan, kaddib markii Turkiga uu soo bandhigay inuu doonayo joojinta dagaalka Suudaan oo loo marayo wada-hadallo.

Sidoo kale waxaa Hawlgalkani laga saaray Ciidamada Burundi, kaddib markii aan waxba laga qaban cabashada ay ka muujiyeen in hoos loo dhigay doorkoodii howlgallada Midowga Afrika oo ay ku jireen dalalkii lagu billaabay howlgalladan muddo hadda laga joogo 15 sanno , haddase saameynta Masar iyo Itoobiya waxay hoos u dhigtay Burundi oo ka bixitaankeeda howlgalka Midowga Afrika uu khasbayo in la helo ciddii buuxin lahayd goobaha ay ka baxayaan.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Masar oo ciidamo Cirka iyo Badda ah u soo diraysa Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this