Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad degaanka Soomaalida DDS oo ku dhawaaqday digniin amni oo ku saabsan falal argagixiso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1735723373180.jpg?resize=720%2C47

Ciidamada Amniga Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku dhawaaqay digniin amni oo ku saabsan argagixiso abaabulan oo doonayay in ay gudaha u galaan dhulka DDS.

Digniin amni oo ka soo baxday Xafiiska Nabadgalyada DDS ayaa dadweynaha Degaanka Soomaalida lagu wargeliyay in aysan ku dagmin kooxo ay ku tilmaameen argagixiso abaabulan oo doonaya in ay magac qabiil ku soo galaan dhulka Dowlad degaanka.

“Sida la wada ogyahay waxa jirtay damac uu leeyahay ururka argaxisada ah ee shabaab oo ah in ay soo galaan dalka, haddaba markii uu u suuro gali waayay in iyaga oo hubaysan kuna suntan calaamadda shabaab ay ka dhaxdhaqdhaqaaqan dalka.”

“Waxa ay baddaleen qorshihii waxa, ayna qaateen, in ay soogalaan deegaanka iyaga oo huwan shaati qabiil, kuna abaabulaan dhallinyarta magac qabiil, gaar ahaan gobolada dhaca xuduudaha” ayaa lagu yiri digniinta ka soo baxday Xafiiska Nabadgalyada DDS.

Ciidamada Dowlad degaanka ayaa sidoo kale sheegay in ba billaabayaan hawlgalka fashilinta damaca argaxisada waxaana ay mar labaad shacabka uga digeen in aysan ku kadsoomin abaabulka kooxaha argagixisada ah ka wadaan gudaha degaanka.

“Haddaba waxaa bulshada deegaanka, ee sharafta leh, qaybaheeda kala duwan gaar ahaan dhallinta, waxgaradka, aqoon yahanka, culimada iyo dumarkaba looga digayaa inaysan ku dagmin abaabulada ay xubanaha argagixsada shabaab  wadaan iyaga oo ku gabanaya magaca qabiilka” ayay sii raacisay digniinta.

PUNTLAND POST

The post Dowlad degaanka Soomaalida DDS oo ku dhawaaqday digniin amni oo ku saabsan falal argagixiso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this