Deeq A. Posted December 31, 2024 Allaha u naxariistee waxaa saacado ka hor magaalada Minnesota ee dallka Mareykan ku geeriyooday Fannaanaddii weynayd ee Luul Jaeylaani Cali oo sidoo kale kamid ahayd Jillaayaashii riwaayadaha ee loogu jeclaa barisamaadkii. Luul Jaylaani oo loo garan ogaa “maama Luul” ayaa caan ku ahayd fanka Banaadiri, waxayna qaaday heeso badan oo xul ah, sidoo kale waxay ka qeyb-gashay matalaadda maadaysyo ama riwaayado badan oo xilligii kacaanka aad loo xiisayn jirey. Luul waxay kamid ahayd hooballada codka baxsan ee luuqdooda aadka loogu bagi jirey, waxayna dadka sida feecan u yaqaani tilmaameen in markii la eego naaxiyadda codkeeda iyo hibadeeda jilliin ay kamid ahayd fannaantii mar la aragga ahaa ee soo maray fanka Soomaalida, gaar ahaan heesaha banaadiriga. Heesaha ay qaaday Luul Jaylaani waxaa kamid ah, Ebadkaa ogow ishaada meesha u roon, Riixaanta janaad, naftay uroonow nabsi yuu ku raacin, middiyaas meel xun iiga mudee, beerkaad iiga taalla iyo qaar kale. Luul Jaylaani waxay heesaha wada qaadi jireen hooballo badan oo ay kamid ahaayeen Aweys Qamiis, Axmed Naajid Sacad, Axmed Shariif killer, Axmeday Abuukar, Axmed Falaash iyo kuwo kale. Allaha u naxariistee luul Jaylaani oo in ka badan 30 sano ku noolayd magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa 2021-kii mar la soo tabiyay inay geeriyootay, balse warkaasi waa uu beenoobay, waxaa’se dhimashadeeda la xaqiijiyay saacado ka hor. Geerida fannaanadan qaran ayaa waxaa kamid tacsiyeeyay masuuliyiin badan dowladda kamida, xubno ka tirsan haldoorka bulshada, fannaaniin, iyo dadka kaloo Saamayn leh, waxayna Alle uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites