Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Canshuurta soo gadista ka dhaaftay Shixnadaha Ganacsi ee Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
puntland-logo.jpg?resize=640%2C350&ssl=1

Dowladda Puntland ayaa canshuurta soo galista ka dhaaftay gaadiidka ka imaanaya dowlad deegaanka, si loogu fududeeyo badeecadaha ay ka keenayaan Itoobiya iyo kuwa ay ka qaadayaan dekadaha Bosaso iyo Garacad.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa go’aamisay in ay Canshuurta soo galista ka dhaaftay gaadiidka ka imaanaya dowlad deegaanka, si loogu fududeeyo badeecadaha ay ka keenayaan Itoobiya iyo kuwa ay ka qaadayaan dekadaha Bosaso iyo Garacad.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa Baraha Kantaroolada ku war gelisay in laga daayey Cashuurta( Enter)Soogelida Gaadiidka DDS Itoobiya ka imaanaya ee shixnadaha ganacsi ka qaada  Dekadaha Puntland ee Bosaso iyo Garacad.

“Dhammaan baraha Kantaroollada dowladda Puntland, waxaa la amrayaa in ay u hoggaansamaan in ay gaadiidkaasi u fududeeyaan isu socodks waddooyinka ay ku gaarayaan dekedaha Garacad iyo Boosaaso” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Halkaan ka akhriso go’aanka Wasaaradda Maaliyadda

FB_IMG_1735565624878.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1735565629336.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Puntland oo Canshuurta soo gadista ka dhaaftay Shixnadaha Ganacsi ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this