Deeq A. Posted December 30, 2024 Addis Ababa (Caasimada Online) – Dalka Itoobiya, tobnaan qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay waddo ku taalla gobolka Sidama ee koofurta Itoobiya. Saraakiisha gobolka iyo kuwa caafimaadka ee Isbitaallada ayaa sheegay in ugu yaraan 71 qof ay ku dhinteen shilka ka dhacay degmada Bona oo ku taalla bariga Sidama. Sidama ayaa dhanka koofureed uga beegan magaalada Addis Adaba. Mate Mengesha, oo ka mid ah madaxda dowladaha hoose ee deegaanka ay masiibadu ka dhacday ayaa VOA-da laanta Itoobiya u sheegay, in shilku ka dhacay wabiga Galana oo 125 u jira magaalada Hawassa ee caasimadda Ismaamulka Sidama. Wuxuu sheegay in baabuur kuwa xamuulka ah oo waday rakaab fara badan uu ka baxay buundo ama bariij uu marayay kaddibna ku dhacay webiga. Dadka dhintay ayaa isugu jiray 68 rag ah iyo saddex dumar ah. Dhibanayaasha ayaa la sheegay in ay kasoo laabanayeen xaflad aroos, kuna sii jeedeen guryahooda. Madaxa Dowladda Hoose ee Deegaanka Musiibadu ka dhacday oo lagu magacaabo Mate Mengesha ayaa sheegay in xaaladdu ay adkeyd markii dhibaatadu ku dhacday Dadka la socday Gaariga Xamuulka ah ee shilkaas galay. Itoobiya oo dhul buuraley u badan waxaa kusii kordhay shilalka Gaadiidka rogmanaya iyo kuwa ka baxaya Waddooyinka, Sababta ugu weyn ee la aaminsan yahay waa in Wadayaasha kaxeeya Gaadiidka ay cabaan walxaha maanka-dooriya. Share this post Link to post Share on other sites