Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Israa’iil oo xidhay in ka badan 240 Falastiiniyiin ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Israa’iil ayaa la xaqiijiyay in ay xidheen in ka badan 240 oo qof oo Falastiinyiin ah oo ay ku jiraan dhaqaatiirta, agaasimayaasha iyo howlwadeennada isbitaal ku yaalla waqooyiga Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay badqabka Xusam Abu Safiya oo ah agaasimaha cisbitaalka Kamal Cudwan. Qaar ka mid ah shaqaalaha cisbitaalka ay soo sii daayeen ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ciidamada xidhay agaasimaha cisbitaalka ay aad u garaaceen.

Milatariga Isra’il ayaa sheegay in cisbitaalka ay Xamas u adeegsanayeen xarun ay ka duulaan. Waxay kaloo sheegeen in qaar ka mid ah dadka ay xireen ay uga shakisanyihiin in ay ka tirsan yihiin Xamas.

Xamas ayaa eedahaasy iska fogeysay isla markaana sheegtay in isbitaalka uusan joogin qof iyaga ka tirsan. War kasoo baxay Xamaas ayay Sabtidi ugu baaqeen Qaramada Midoobay iyo hey’adaha caalamiga ah in ay si deg deg ah u soo farageliyaan si loo ilaaliyo isbitaallada yar ee hadda shaqeeya ee ku yaalla waqooyiga Gaza.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this