Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu yaraan 85 qof ayaa ku dhintey shil diyaaradeed ka dhacay Kuuriyada Koonfureed

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarad ay leedahay shirkadda Jeju Air oo ay la socdeen 181 qof ayaa ka baxdey dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, waxaana ay ku dul dhacday darbi ka hor inta aanu dab qabsan.

Diyaarad siday 181 qof ayaa ku burburtay garoonka caalamiga ah ee Muan ee dalka Kuuriyada Koonfureed , iyada oo marba marka ka danbeysa tirada dhimashadu kor u kacayso ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey 85 qof, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka degdegga ah.

Dadka dhintay 39 ka mid ah waa rag halka 46 ka mid ah ay yihiin dumar, sida ay sheegeen waaxda gurmadka degdegga ah.

Ilaa hadda dadka shilkan ka badbaadey oo laga soo saarey burburka ayaa ah laba qof oo keliya kuwaas oo ka mid ahaa shaqaalihii diyaaradda

Diyaaradda Jeju Air ayaa ka soo laabatay magaalada Bangkok ee dalka Thailand markii ay shilka geleysey.

Waaxda gurmadka deg dega ah iyo wararka gudaha ayaa sheegaya in diyaarada ay cilad ku timid qalabkii ay ku degi lahayd

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this