Sign in to follow this  
Deeq A.

Talibaanka Afgaanistaan ​​​​oo weerar aargoosi ah ku qaaday Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Talibanka Afgaanistaan ​​ayaa bartilmaameedsaday “dhowr goobood” dalka ay jaarka yihiin ee Pakistan, wasaarada difaaca ee Afgaanistaan ​​ayaa sheegtay maalmo kadib markii diyaaradaha Pakistan ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen gudaha dalkaasi.

Hadalka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga shalay Sabti ahayd si toos ah uma sheegin in Pakistan la duqeeyay, balse waxay sheegtay in weerarradaas ay ahaayeen kuwo ka baxsan “xaduud beenaadka” – odhaah ay mas’uuliyiinta Afgaanistaan ​​u adeegsadeen inay ula jeedaan xuduudda Pakistan oo ay muddo dheer ku muransanaayeen.

Afgaanistaan ​​waxay muddo dheer diiddanay xuduuda labada dal, oo loo yaqaan ‘Durand Line’, oo uu ka tagay gumeysigii Ingiriiska qarnigii 19-aad.

Ma jiro wax faah faahin ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay iyo goobaha gaarka ah ee lala beegsaday weerarka Talibaanka.

Garabka militariga Pakistan iyo afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaan isla markiiba ka jawaabin sheegashada Talibaanka.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Sabtidii in ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Pakistaan ​​uu ku dhintay 7 kalena ay ku dhaawacmeen israsaasayn ka dhacday xuduudka oo ay isweydaarsadeen ciidamada Afgaanistaan.

Iska horimaadyo goosgoos ah oo ay ku jiraan hub culus ayaa xalay saqdii dhexe ku dhaxmaray ciidamada xuduuda ee ku sugan xadka u dhaxeeya gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan iyo gobolka Khost ee dalka Afgaanistaan, sida ay sheegeen saraakiisha labada dal.

Dhacdooyinkan ayaa yimid ka dib markii maamulka Taliban ee Afgaanistaan ​​ay Pakistan ku eedeeyeen inay dishay 46 qof, oo u badan haween iyo carruur, duqaymo dhanka cirka.

Islamabad ayaa sheegtay in ay beegsatay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen dagaalyahanada xadka, halka maamulka Afgaanistaan ​​ay ka digeen Arbacadii in ay ka aargoosan doonaan.

Dalalka deriska ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aan wanaagsaneyn, iyadoo Pakistan ay sheegtay in dhowr weerar oo dalkeeda lagu soo qaaday laga soo billaabay ciidda Afgaanistaan ​​– eedeymahaas oo ay Talibanka Afghanistan beenisay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this