Sign in to follow this  
General Duke

Attorney General highlights the LAW:

Recommended Posts

Xeer ilaaliyaha DF oo hadlay

15 Dec 15, 2008 - 4:30:05 AM

 

Xeer ilaaliyaha guud ee Somalia Dr. C/llaahi Daahir Barre ayaa taageeray go'aankii Madaxweyne Yuusuf uu xilka kaga qaaday Nuur Cadde, wuxuuna ku tilmaamay mid sharci ah.

 

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in Madaxweynuhu uu awood u leeyahay inuu xilka ka eryo ra'iisul wasaaraha, uuna u cuskado dastuurka dalka u dagsan oo ah.

 

"Dastuurka ayaa qaba in Madaxweynuhu uu xilka ka qaadi karo Ra'iisul wasaaraha, hadii ay xukuumadaas ku guuldareysato inay qabato howlihii codka kalsoonida lagu siiyay" ayuu yiri Dr. Barre.

 

Madaxweynaha DF ayaa shalay ku dhawaaqay inuu casilay Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Cadde, kadib markii ay ku guuldareystay xukuumada uu hogaamiyo howlihii loo magacaabay.

 

"Xukuumadu waxay ku guuldareysatay arimo badan oo loo doortay oo ay ka mid yihiin inay dastuur sameyso, iyadoo ra'iisul wasaaruhuna uu ku kacay musuqmaasul iyo hagadaamooyin" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sharaxayay sababaha uu xilka kaga qaaday Nuur Cadde.

 

Ra'iisul wasaaraha la casilay oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go'aanka Madaxweynuhu uu yahay mid aan sax ahayn, isla markaana uusan aqbalin.

 

"Madaxweynaha isaga ayaa i magacaabi kara, balse xilka igama qaadi karo, qodobada uu cuskanayana waa kuwo aysan waxba ka jirin" ayuu yiri Nuur Cadde oo xusay inay xukuumadiisu sii shaqeynayso.

 

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. C/llaahi Daahir Barre ayaa sheegay in Madaxweynaha go'aanadiisa aysan jirin cid ka horimaan karta, isagoo sheegay inuu dalka ugu sareeyo.

 

"Aad baan ula yaabay xildhibaanada ka horyimid go'aanka Madaxweynaha, waayo xildhibaanada waa mar walba eegaan sharciga dalka u dagsan; oo aysan u muuqan kuwo rabsho wadayaal ah" ayuu yiri Dr. Barre.

 

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay maanta ka doonaan xil ka qaadistii Nuur Cadde, taasoo siyaasado kacsanaan ah ka abuurtay Baydhabo oo ah xarunta Baarlamaanka Somalia.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah oo ku dhawaaqay natiijo sii kordhisay muranka Sharciyeed ee Baydhabo ka aloosan15. december 2008

 

 

Baydhabo(AllPuntland)- Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aaden Madoobe ayaa kaga dhawaaqay Magaalada Baydhabo natiijada shir maanta uu ku lahaa halkaas Baarlamaanka Soomaaliya, Aaden Madoobe waxa uu sheegay inuu Barlamanku cod aqlabiyad ah uu ku ansixiyay Dawladii uu soo dhisay Raysalwasaare Nuur Cade uuna diiday Madaxweynuhu.

 

143 Cod ayuu sheegay Aaden Madoobe in ay ku meelmartay Xukuumadii horey Madaxweynaha Soomaaliya usheegay in ay dhacday, waxaana uu Aaden Madoobe sheegay in aysan waxba ka jirin go'aankii ka soo baxay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Mudanayaasha baarlamaanka qarkood oo ay AllPuntland la kulantay wixii ka dambeeyey ku dhawaaqidii go'aankaasi ayaa ay laf ahaantooduna isku qilaafsan yihiin go'aanka gudoomiyahoodu ku dhawaaqay, waxay qaarkood sheegeen in uu kasoo horjeedo Axdiga udagsan dawladda Faderaaliga ah ee Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in uu Aaden Madoobe yahay nin galay Qayaano qaran, kuna shaqeeyey Laaluush, sida ay sheegayaan Mudanayaasha baarlamaanku.

 

Wararka cod helida Xukuumadii shalay dhacday ayaa aysan lasocon dadka badan oo Soomaaliyeed, waxa ayna dadku isweydiinayaan sababaha keenay in baarlamaanka la horgeeyo xukuumad uusan ogolaan ´dhismaheeda oo uusan saxiixin Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

What a bunch of baffoons...

 

these creatures should be locked in zoo, waa uncivilized danyeero...

 

lol good for comedy value

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Yup and the President of Somalia will lock them in the ZOO.

 

They only reacted to the stunning move yesterday.

 

They will need to react to the new news coming in a few days.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Duke, at the moment adeero seems to be in crisis and found himself sitting on the wrong side of the current political scale. This Xeer-ilaaliyaha-DF-oo-hadlay wont help him at all so he better go to Addis try to beg forgiveness and convince Melez to change his mind before things worsen than its now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this