Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in heshiis laga gaaray colaad beeleed dhawaan ka dhacday degmada Xarfo ee Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1735450082988.jpg?resize=720%2C48

Dowladda Puntland ayaa shaacisay in heshiid laga gaaray colaad beeleeddii dhawaan ka dhacday degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Shir ku saabsanaa dib u heshiisiinta labada beelood Maxamed Cumar iyo Reer Mahad (Cumar Maxamuud) ayaa ku soo xirmay guriga suldaan Maxamed suldaan Maxamuud ee degmada Xarfo.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in heshiis laga gaaray colaaddii labada beelood kaddib shirkaasi dib u heshiisiinta ee ka qabsoomay degmada Xarfo.

Dowladda ayaa sheegtay in beesha Maxamed Cumar ay raalli-gelin ka bixisay waxyeelleyntii Ceelka degmada Xarfo islamarkaana ballan-qaadday in ay dib u hagaajinayaan.

Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in Labada Reer Maxamed Cumar iyo Reer Mahad ku heshiiyeen in maanta laga bilaabo iyagoo wada jira ciidamadii iyo maleeshiyadii Xarfo gurmad ahaanta ku soo galay lakala diro oo degaamadoodii lagu celiyo.

Labada beelood waxay sidoo kale ku heshiiyeen  In wixii dhib ahaa ee dhacay (dhiig iyo dhaawac) laga wada hadlo, lagana heshiiyo, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in heshiis laga gaaray colaad beeleed dhawaan ka dhacday degmada Xarfo ee Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this