Sign in to follow this  
Deeq A.

Rotana oo Muqdisho Ka Hirgelinaysa Hoteelkii Ugu Horreeyay ee Five Star ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Rotana, oo ah shirkad caalami ah oo caan ku ah maareynta hoteellada, ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku dhisayso hoteelkii ugu horreeyay ee Five star ah ee Soomaaliya, kaas oo laga hirgelin doono magaalada Muqdisho.

Mashruucan muhiimka ah ayaa muujinaya horumarka dhaqaale iyo midka magaalo ee dalka, iyada oo Muqdisho noqotay xarun ganacsi.

Hoteelkan, oo la filayo in la dhameystiro sanadka 2026, ayaa ka koobnaan doona 321 qol, oo ay ku jiraan 261 qol marti iyo 60 guri-hoteel ah.

Muqdisho Rotana ayaa noqon doonta astaanta dib-u-soo-kabashada magaalada iyo awoodda ay u leedahay soo jiidashada dalxiiska iyo ganacsiga caalamiga ah.

Hoteelka ayaa si istiraatiiji ah loogu dhisayaa meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, wuxuuna qayb muhiim ah ka yahay Mashruuca Gateway Complex oo ku kacaya $400 milyan.

Mashruucan ballaaran waxaa ku jira xarun shirar caalami ah, isbitaal 300 sariirood leh, iskuul, guryo raaxo leh, suuq laga dukaameysto, iyo xarun ganacsi.

Gateway Complex waa qayb ka mid ah istiraatiijiyadda “Muqdisho Cusub,” taas oo lagu horumarinayo dhaqaalaha caasimadda iyo soo jiidashada maalgashiyada caalamiga ah.

Philip Barnes, oo ah madaxa fulinta ee Rotana, ayaa muujiyey muhiimadda mashruucan ka dib markii uu Shir jaraa’id qabtay.

“Muqdisho Rotana wuxuu noqon doonnaa heer cusub oo ku saabsan raaxada iyo adeegga Bariga Afrika. Wuxuu noqon doonaa xarun loogu talagalay ganacsiga, dalxiiska, iyo isdhaafsiga dhaqanka,” ayuu Barnes yiri.

Sidoo kale, Jibriil Xasan Maxamed, guddoomiyaha Premier Bank iyo Riverside Holding, ayaa tilmaamay muhiimada mashruucan, isaga oo yiri, “Mashruucan wuxuu matalaya horumar muhiim ah oo ku saabsan waaxda dalxiiska Soomaaliya, waana astaan ka tarjumeysa dib-u-soo-noqoshada dhaqanka iyo dhaqaalaha Muqdisho.”

Hoteelkan oo ay maamuli doonto Aleph Hospitality, oo ah shirkad fadhigeedu yahay Dubai, ayaa ku biiri doona 81 hanti oo hore u shaqeyneysay oo ay Rotana leedahay, kuwaas oo ku kala yaal Bariga Dhexe, Afrika, Yurubta Bari, iyo Turkiga.

Horumarkan wuxuu qayb ka yahay qorshaha guud ee dawladda Soomaaliya ee lagu casriyeynayo Muqdisho, oo uu hormuud ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Istiraatiijiyadda “Muqdisho Cusub” waxaa sidoo kale ku jira qorshe ku kacaya $650 milyan oo lagu horumarinayo garoon diyaaradeed iyo dekad casri ah, taas oo sare u qaadi doonta ganacsiga iyo isku xirnaanta.

Horumarkan muhiimka ah wuxuu muujinayaa dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-dhiska anacsiga, dalxiiska, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this