Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada-hadlaya danaha Wadaaga ah ee labada dal iyo Arrimaha Gobolka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1735387814214.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar hal maalin ah ku tegey dalka Jabuuti.

Qoraal ka soo baxay Madaxyooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ee caasimadds Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in labada Madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka.

“Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia.

“Inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xiriira danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood ee walaalaha ah” ayuu sii raaciyay Qoraalkaasi.

Safarka Madaxweynaha ee Jabuuti ayaa imaanaya maalmo kaddib markii uu ka soo noqday Safarkiisi dalka Eritrea oo aysan xiriir wanaagsan lahayn waddanka Jabuuti.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada-hadlaya danaha Wadaaga ah ee labada dal iyo Arrimaha Gobolka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this