Sign in to follow this  
Deeq A.

NASA oo taariikh samaysay ka dib markii si aan wali la arag uu dayax-gacmeedkeedu ugu dhawaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Dayax-gacmeed ay NASA leedahay ayaa taariikh cusub sameeyay kadib markii uu ku dhiirraday isku daygii ugu dhawaa ee waligiis loo sameeyo in loogu dhowaado qorraxda.

Saynisyahannadu waxay heleen farriinta dayax-gacmeedka Parker Solar Probe xilli fiid ah Khamiistii (11:00 habeenimo saacadda Washington, oo u dhiganta 05:00 GMT Jimcaha), ka dib markii uu maalmihii la soo dhaafay ka maqnaa isgaarsiinta intii uu ku jiray marinkiisii kululaaa ee ugu dhowaanayey qorraxda.

NASA waxay sheegtay in dayax-gacmeedku “badqabo” oo uu si caadi ah u shaqeynayo ka dib markii uu maray masaafo dhan 3.8 milyan mayl (6.1 milyan km) oo u jirta wareegga sare ee qorraxda

6dfc8a30-c466-11ef-a2ca-e99d0c9a24e3.jpg

Dayax-gacmeedku wuxuu galay jawiga sare ee qorraxda maalintii Kirismaska, isagoo u adkaystay heerkul daran iyo shucaac halis ah, si uu u kobciyo fahamka cilmiyeed ee ku saabsan sida qorraxda u shaqeyso.

NASA waxay markaas sugaysay si welwel leh farriinta dayax-gacmeedka, taas oo la filayay in la helo 05:00 GMT, 28-kii Disembar.

Dayax-gacmeedku, oo ku socda xawaare dhan ilaa 430,000 mayl saacadii ama (692,000 kiiloo mitir saacadiiba), ayaa la kulmay heerkul gaaraya ilaa 1,800F (980C), sida lagu sheegay bogga NASA.

“Barashadan dhow ee Qorraxda waxay u oggolaanaysaa Parker Solar Probe inuu sameeyo cabbiraado ka caawinaya saynisyahannada inay si wanaagsan u fahmaan sida maaddooyinka ku jira aaggaas ay u gaari karaan heerkul ahaan ilaa malaayiin darajo, raadraacaana asal ahaan dabaysha qorraxda (oo ah maado qulqul joogto ah oo ka baxaya Qorraxda), iyo in ay ogaadaan sida qaybaha tamarta badan leh loo gaarsiiyo xawaaraha u dhow kan iftiinka,” ayay tidhi hay’adda.

Dr. Nicola Fox, madaxa cilmiga sayniska ee NASA, ayaa hore ugu sheegtay BBC-da “Qarniyaal badan, dadku waxay baranayeen Qorraxda, laakiin ma dareemaysid jawiga meel ilaa aad dhab ahaantii u tagto oo aad booqato.

“Sidaas darteed, ma dhadhamin karno jawiga xiddigeenna ilaa aan dhex duulno.”

Dayax-gacmeedka ayaa dul maray aag cimileedka sare ee qoraxda.

Xigashada Sawirka,NASA

Qoraalka sawirka,Dayax-gacmeedka ayaa dul maray aag cimileedka sare ee qoraxda.

Dayax-gacmeedka Parker Solar Probe ayaa shaaca laga qaaday sanadkii 2018, isagoo u jihaystay bartamaha nidaamkeenna qoraxda.

Waxa uu hore ugu dhawaaday Qorraxda 21 jeer, isagoo markasta kusii dhawaanaayay, balse booqashadan ciidda Kirismaska waxay ahayd tii ugu rikoodh jabinta badnayd.

Markii ugu dhaweyd, dayax-gacmeedku wuxuu masaafo dhan 3.8 milyan mayl (6.1 milyan km) u jiray dusha sare ee Qorraxda.

Inkastoo masaafadaasi aysan u muuqan mid aad u dhaw, Dr. Fox ayaa arrinta u muujisay si fudud: “Waxaan 93 milyan mayl u jirnaa Qorraxda, marka haddii aan Qorraxda iyo Dhulka hal mitir isugu keeno, Parker Solar Probe wuxuu 4cm u jiraa Qorraxda – taasna waa inuu u dhawaaday.”

Dayax-gacmeedku wuxuu la kulmay heerkul gaaraya 1,400C iyo shucaac awood u lahaa inuu burburiyo qalabka elektarooniga ah ee saarnaa.

Waxaase uu ku badbaaday gaashaan dhumucdiisu ahayd 11.5cm (4.5 inch) oo laga sameeyay walxo kaarboon ah, hase yeeshee xeeladdiisu waxay ahayd inuu si degdeg ah u galo una baxo.

Runtii, dayax-gacmeedku wuxuu u dhaqaaqay si ka dheeraysa wax kasta oo ay dadku farsameeyeen, isagoo ku socday 430,000 mayl saacadiiba – taas oo u dhiganta inaad London ilaa New York ku tagto wax ka yar 30 ilbiriqsi.

Parker Solar Probe

Xigashada Sawirka,NASA

Qoraalka sawirka,Parker Solar Probe

Maxaa keenay dadaalkan oo dhan si loo “taabto” Qorraxda?

Saynisyahannadu waxay rejeynayaan in qalabkan hawada sare ku socda uu ku dul maro jawiga sare xidigaheenna – koroonaha – uu soo ururiyo xogta xallin karta halxiraalaha muddo dheer jiray.

“Koroonaha aad ayuu u kulul yahay, mana garanayno sababta,” ayay tiri Dr. Jenifer Millard, oo ah cirbixiyeen ka tirsan Fifth Star Labs ee Wales.

“Dusha Qorraxda waxay heerkulkeedu gaarayaa ku dhawaad 6,000C, laakiin koroonaha, oo ah jawigan dabacsan ee dibadda ee aad arki karto inta lagu jiro qorrax-madoobaadka, wuxuu gaarayaa malaayiin darajo – taasoo ka sii fog Qorraxda. Haddaba, sidee buu jawigaasi u kululaadaa?”

Hawlgalkani wuxuu sidoo kale ka caawin karaa saynisyahannada inay si fiican u fahmaan dabaysha qorraxda – oo ah qulqulka joogtada ah ee walxaha korontaysan (danabaysan) ee ka soo burqanaya koroonaha.

Marka walxahani ku falgalaan goobta magnetka ee dhulka, cirka waxaa kasoo muuqda iftiin qurux badan oo loo yaqaan aurora.

Laakiin cimilada hawada bannaan ee aadka nooga sarraysa ee loo yaqaan “space weather” waxay sidoo kale sababi kartaa dhibaatooyin, sida in ay curyaamiso nidaamyada korontada, elektarooniga, iyo nidaamyada isgaarsiinta.

“Fahamka Qorraxda, dhaqdhaqaaqeeda, cimilada hawada bannaan, iyo dabaysha qorraxda aad ayuu muhiim ugu yahay nolol-maalmeedkeenna Dhulka,” ayay tiri Dr. Millard.

Muuqaalada cajiibka ah ee koonkan ee dhulka ka dhaca waxaa sababa dabaylaha qoraxda.

Xigashada Sawirka,PA Media

Qoraalka sawirka,Muuqaalada cajiibka ah ee koonkan ee dhulka ka dhaca waxaa sababa dabaylaha qoraxda.

Saynisyahannada NASA waxay wajahayeen sugitaan walaac leh xilliga Ciidda Masiixiga iyadoo dayax-gacmeedku xidhiidhka uu la leeyahay dhulka uu go’naa.

Dr. Fox waxay filaysay in kooxda ay u soo diraan farriin sheegaysa in dayax-gacmeedku uu nabdoon yahay. Waxay hore u qiratay inay ka walwalsan tahay isku-dayga geesinimada leh, balse waxay kalsooni ku qabtay dayax-gacmeedka.

“Waan ka walwali doonaa dayax-gacmeedka. Laakiin dhab ahaantii waxaan u qaabaynay si uu ugu adkeysto dhammaan xaaladaha adag ee sii adag. Waa dayax-gacmeed yar oo aad u adag

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this