Sign in to follow this  
Deeq A.

Fashilka difaaca gobannimada, madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo dhabarjeedin, bahdil, iyo caqabado kala kulan tahay dhinacyo badan, musuqmaasuqa xarkaha goostay iyo khilaafaadka gaaray dagaal iyo kala irdhow, waxay shirkii Ankara ku aqbashay in Siyaasadda Soomaaliya ku tiirsanaato, laga hago Addis Ababa, Ethiopia. Khudbaddii Madaxweyne Xassan ka jeediyay Shirka Ankara waxay beenisay, tirtirtay dhammaan dareengelintii wadanninimo iyo iska difaaca dhul boobka, gardarrada, iyo cadowtinnimada qotadadheer ee Ethiopia u hayso Soomaaliya. DFS kama kasbay wax maslaxad ama faa’ido ah heshiiskii Ankara. Waxaa halis ku jira difaaca gobannimada, madaxbannanida iyo Midnimada Soomaaaliya.

Source: Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this