Deeq A. Posted 15 hours ago Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa mar kale Ibrahim Aadan Ali Najah u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose. Tan ayaa noqoneysa markii afaraad oo uu xilkan qabto. Magacaabista Najah ayaa lagu dhawaaqay kadib markii digreeto rasmi ah ay kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Ibrahim Aadan Ali Najah ayaa horey uga soo shaqeeyay gobolka, isaga oo caan ku ah dadaalladiisa ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo sugidda amniga. Magacaabista ayaa timid xilli Gobolka Shabeellaha Hoose uu wajahayo caqabado ay ka mid yihiin amni-darro iyo adeegyo bulsho oo u baahan dib-u-habeyn. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites