Deeq A. Posted December 26, 2024 Wararkii ugu dambeeyey ee Dacawaley la xidhiidha iyo Kulanada Jigjiga ee madaxda JSL iyo Dawlada Federalka Itooboya. Sida ay iisheegeen ilo ku sugan goobta uu kulanku ka dhacay magaalada Jigjiga, waxa waftiga ka socday Somaliland kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaatay madaxsare oo dawlada iyo ciidanka Federalka Itoobiya. Waxaana si adag looga wada hadlay arinka Dacawaley iyo gumaadka ka dhacay. Kulanka waxa lagu heshiiyey qodobo la isla qaatay in nabad lagu soo dabaalo deegaanka Dacawley iyo inta uu saamaysay xaalada gumaad ee ka dhacday. Qorobada lagu heshiieyey waxa ka mid ah. 1. In Ciidamo dawalad federalka Itoobiya la wareegaan deegaanka dadka lagu xaquusay iyo inta u dhow. 2.In baadhis heer Federal ah lagu sameeyo waxa ka dhacay Dacawaley 3.In nawaaxi ay ka caagan yihiin (buffer zone) Liyu Booliis iyo dadka deegaanka ah ee hore iskaga horyimid la calaamadiyo. 4. Beelihii ay arintu ka bilaabmatay dib u heshiisiin laga bilaabo dhexdooda. Iyo qodobo kale. Kulankan ayaa ahaa mid hal masuul oo madaxda DDS fadhiyey, halka inta kale ay ahaayeen madaxda JSL iyo Dawalda Federalka Itoobiya. Hase ahaatee taa macnaheedu ma aha in ay is dhiganayaan dadka deegaanka xasuuqa laga geystay ee beesha Reer Sheekh Isaxaaq oo dareensan sida ciidamada Liyuu Booliis awoodooda loogu adeegsaday. Xigasho Abdillahi M Ali Qaran News Share this post Link to post Share on other sites