Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 80 xildhibaan oo cambaareeyay xayiraadda Villa Somalia saartay duullimaadyada Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1735191981527.jpg?resize=720%2C48

In ka badan 80 mudane oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay xayiraadda dowladda Soomaaliya saartay duullimaadyada Rayidka ah ee qaar kamid ah Gobollada dalka gaar ahaan Jubaland.

Bayaan ka soo baxay ilaa 80 xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay hay’adda Duulista Rayidka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo xayiraad saartay duullimaadyadii Rakaabka ee magaalooyinka Jubaland.

Xildhibaannada labada Aqal ee BFS ayaa sidoo kale cambaareeyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee bixiyay amarka lagu xannibay duullimaadyada taasi oo mudanayaashu ku tilmaameen mid baalmarsan xaqa Dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed u lee yihiin in ay dalka gudihiisa si xor ah ugu kala safraan.

Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ugu danbayn uga digay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay siyaadadaynta ka dayso adeegyada dowliga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed uu xaqa u siinayo Dastuurka dalka.

Halkaan ka akhriso Bayaanka Xildhibaannada

FB_IMG_1735190966536.jpg?resize=720%2C90 FB_IMG_1735190972349.jpg?resize=720%2C91 FB_IMG_1735190977015.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1735192900628.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post In ka badan 80 xildhibaan oo cambaareeyay xayiraadda Villa Somalia saartay duullimaadyada Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this