Sign in to follow this  
ANWAR

Ciidamada dalka Turkiga oo qabtey tahriibayaal Soomali ah

Recommended Posts

ANWAR   

Ciidamada wadanka Turkiga ayaa waxa ay xireen koox tahriibayaal ah oo ay ku jiraan dad Soomaali ah, kuwaasi oo doonayay in ay si sharci darro ah ku galaan wadanka Turkiga.

 

Ciidamada wadanka Turkiga ee loo yaqaan Jandarmarie iyo kuwa ilaaliya soodimaha ayaa waxa ay xireen 29 ruux oo shisheeye ah iyo 4 turki ahi oo iyagu doonayay in ay si sharci darro ah u dhaafaan soodinta xigta dhanka W/galbeed ee wadanka Turkiga gobolka la yiraahdo Ildaridoryan iyo tuulooyinka Basma iyo Ibsaala waa sida ay shaaciyeen ciidamada Turkiga, iyadoo arintaan ay ka soo xigatay wakaaladda wararka Turkiga ee la yiraahdo Anatoria.

 

Dadkaan shisheeyaha ah ee gaaraya 29 ka ruux ayaa waxaa la sheegay in ay u kala dhasheen wadamada Somalia, Ciraaq iyo Muritania, waxaana dowladda Turkiga ay shaacisay in dadkani laga soo musaafurin doono Turkiga, ka dib markii la soo marsiiyo hanaan sharci oo xagga socdaalka ahi, iyagoo iminka ku sugan gobolka la yiraahdo Idrina ee wadanka Turkiga.

 

Dowladda Turkiga ayaa waxa ay sheegtay in 4ta ruux ee u dhashay wadanka Turkiga ee la socday dadkani shisheeyaha ah oo ay ku jiraan Soomaali in Su'aalo la weydiin doono, ka dibna ay wajihi doonaan maxkamad, iyagoo lagu eedeynayo in si hsarci darro ah ay dad uga talaabiyaan sohdinta Turkiga.

...long liv SOMALIA AND SOMALILAND...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this