Sign in to follow this  
Deeq A.

Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Suldaan Saleebaan Cali

Recommended Posts

Deeq A.   

Boorama-25-12-2024-(Qaran news)-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Wafti balaadhan oo u hoggaaminayo ayaa magaalada Borama kaga qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Alle hawnaxariistee Marxuum Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ahaa madax-dhaqameedka ugu wakhtiga dheer Dalka oo maalintii shalay ku geeriyooday Magaalada Borama.

Madaxweyne Kuxigeenka Qaranka JSL ayaa Marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door laxaadleh ka soo qaatay dib u dhiskii dalka Somaliland iyo nabadayntii beelaha Somaliland kuwada dhaqan, kuna xusnaa nabad-doonimo iyo waayo aragnimo dheeraada oo uu u lahaa xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo

img_11_1735137577046.webp

img_10_1735137549415.webp

img_5_1735137453364.webp

img_9_1735137527298.webp

img_8_1735137511767.webp

img_7_1735137495873.webp

img_6_1735137472428.webp

img_1_1735137386297.webp

img_2_1735137408552.webp

img_3_1735137423643.webp

img_4_1735137432630.webp

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this