Deeq A. Posted December 25, 2024 Boorama-25-12-2024-(Qaran news)-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Wafti balaadhan oo u hoggaaminayo ayaa magaalada Borama kaga qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Alle hawnaxariistee Marxuum Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ahaa madax-dhaqameedka ugu wakhtiga dheer Dalka oo maalintii shalay ku geeriyooday Magaalada Borama. Madaxweyne Kuxigeenka Qaranka JSL ayaa Marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door laxaadleh ka soo qaatay dib u dhiskii dalka Somaliland iyo nabadayntii beelaha Somaliland kuwada dhaqan, kuna xusnaa nabad-doonimo iyo waayo aragnimo dheeraada oo uu u lahaa xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda. Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo Qaran News Share this post Link to post Share on other sites