Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo diyaaradihii Rakaabka ka joojisay magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1735023310380.jpg?resize=720%2C48

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saaka oo Talaado ah joojisay dhammaan diyaaradihii Rakaabka u qaadi jiray magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in saaka dowladda Soomaaliya baajisay dhammaan duullimaadyadii Rakaabka ee shacabka u qaadi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland.

Go’aanka lagu Joojiyay diyaaradihii Rakaabka u qaadi jiray Kismaayo ayaa lagu tilmaamay mid siyaasadaysan oo salka ku haya khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubaland.

Waxase tallaabadani dhibbane u noqday shacabka Reer Jubaland oo sida muuqata dano siyaasadeed looga xannibay xuquuqdii dhinaca safarka ee dastuurku siinayo.

PUNTLAND POST

The post Villa Somalia oo diyaaradihii Rakaabka ka joojisay magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this