Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS oo kulan la yeeshay safiirka dowladda Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga, iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isagoo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Talyaaniga Mudane Pier Mario Daccò ayaa xaqiijiyey in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageeridda Soomaaliya, isagoo bogaadiyey dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this