Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Wada-hadallo Rasmi ah la leh Dhiggiisa Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu wada-hadallo rasmi ah kula leh dhiggiisa Masar, Mudane Badar Cabdilati.

Wada-hadalladaasi ayaa si gaar ah diiradda loogu saaraya sidii loo xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyada oo la tixgelinayo dhinacyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

Amniga: Taageerada iyo iskaashiga labada dal ee dhinaca ammaanka.

Siyaasadda: Dib-u-xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga siyaasadeed.

Waxbarashada: Isku-xidhka iyo kobcinta fursadaha waxbarashada ee u dhexeeya labada dal.

Dhaqaalaha: Kor u qaadidda iskaashiga ganacsi iyo maal-gashiga labada dhinac.

Cilaaqaadka Soomaaliya iyo Masar, oo ku saleysan walaaltinimo, iskaashi waxtar leh, iyo xiriir soo jireen ah, ayaa muhiim u ah horumarinta labada dal, iyadoo wada-hadalladan ay muhiimad gaar ah siinayaan sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha wadajirka ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this