Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamaha ammaanka Galmudug oo gacanta ku soo dhigey nin loo haysto dilka sargaal lagu toogtay dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigey nin loo haysto dilka sargaal ka tirsanaa ciidamada oo lagu toogtay magaalada dhuusamareeb.

Hay’adaha ammaanka ayaa ninkan goordhaw ka soo qabtay duleedka Dhuusamareeb, waxaana eedaysanahan lala xariirinayaa dilka Labo Xidigle Xassan Quuri oo ahaa Sarkaal ka tirsan Booliiska Galmudug.

Eedaysanaha ayaa hadda ku jira gacanta laamaha ammaanka, waxaana ku socda baaritaan ku aaddan falka loo haysto, iyo sababta ka dambeysa dilka sargaalka ee asaga lagu eedeeyay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this