Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya weerar ku soo qaaday magaalada Doolow

Recommended Posts

Deeq A.   
fiqi.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Cambaaraynayso waxay ku tilmaantay” Fal Xadgudub ah oo ay Ciidamada Itoobiya ka Geysteen Magaalada Doolow”.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Saaka abaare 10:00AM, ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.”

“Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan loo fuliyay ayay Ciidamada Itoobiya ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugidda NISA, iyo Booliska.”

“Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi. Sidoo kale, waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa” ayuu sii raaciyay qoraalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si adag u cambaaraynayso ficilladan daandaansiga ah waxay Sidoo kale, dowladdu ka digtay inaysan ka aamusi doonin tallaabooyinkan cad ee ku xadgududbka madaxbannaanida Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso qoraalka dowladda Soomaaliya

FB_IMG_1734972668644.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1734972672902.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya weerar ku soo qaaday magaalada Doolow appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this