Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo soo riday diyaarad uu leeyahay kadib markii uu uga shakiyay Xuutiyiinta Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa lagu soo riday badda cas, kadib markii uu si kama ah u toogtay” Markab Mareykanku leeyahay”, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

Laba duuliye oo ka tirsan Ciidanka Badda Mareykanka ee F/A-18 Hornet ayaa si nabad ah uga badbaaday, iyadoo mid ka mid ah uu soo gaaray dhaawac fudud, sida uu sheegay Taliska Dhexe.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii Mareykanka uu qaaday weeraro is xigxigay oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday goob lagu keydiyo gantaallada iyo xarumaha laga hago ee caasimada Yemen ee Sanca oo ay maamulaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa intaa ku daray in ay sidoo kale duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta iyo gantaallada lidka maraakiibta badda cas.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in shilku si kama ah u dhacay oo aanu ku tala gal ahayn.

“Markabka laga rido gantaallada la hago ee USS Gettysburg, oo ka tirsan kooxda USS Harry S Truman Carrier Strike Group, ayaa si qalad ah u ridey oo ku dhuftay diyaaradda F/A-18, taasoo duuleysay hawada USS Harry S Truman,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray taliska dhexe ee Mareykanka.

Ma cadda in diyaaradda la soo riday ay ku lug lahayd howlgalka lagu beegsanayay Xuutiyiinta Yemen.

Horey ayaa taliska dhexe ee Mareykanku u sheegay in duqaymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada Sanca looga dan leeyahay “in lagu carqaladeeyo laguna wiiqo hawlgallada Xuutiyiinta, sida weerarrada ka dhanka ah maraakiibta dagaalka ee ciidamada badda iyo maraakiibta ganacsi ee ku sugan Koonfurta Badda Cas, gaarahaan Bab al-Mandeb, iyo Gacanka Cadmeed”.

Milateriga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay duqeeyeen “dhowr meelood oo ay yaalliin aalado is wado oo Xuuthiyiintu leeyihiin , diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo gantaallada lidka maraakiibta.

Xuutiyiinta, oo ah jabhad ay Iran taageerto oo maamula waqooyi-galbeed ee dalka Yemen, ayaa billaabay inay weeraraan maraakiibta Israa’iil iyo kuwa caalamiga ah wax yar ka dib markii uu billowday dagaalka Qasa, toddobadii Oktoobar sanadkii 2023-ka, iyagoo sheegay inay ay garab siinayaan Falastiiniyiinta.

Tan iyo bishii Nufeembar 2023-ka, weerarrada gantaallada ee Xuutiyiinta ayaa laba markab ku quusiyay badda cas, kuwa kalena waxyeello u geystay. Waxay ku andacoodeen, inta badan inay beegsadaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee laga leeyahay Mareykanka iyo Uk.

Bishii Disembar ee la soo dhaafay, Mareykanka, UK iyo 12 waddan oo kale ayaa bilaabay Hawlgalka Ilaalinta Barwaaqada badda si ay uga hortagaan weerarada marinnada maraakiibta Badda Cas.

a82d4820-c0dd-11ef-a0f2-fd81ae5962f4.jpg

Tan iyo bishii Nufeembar 2023-ka, weerarrada gantaallada ee Xuutiyiinta ayaa laba markab ku quusiyay badda cas.

Sabtidii, militariga Israa’iil ayaa sheegay in isku daygii ay ku doonayeen inay ku soo ridaan gantaal laga soo tuuray Yemen uu ahaa mid lagu guul-darreystay, wuxuuna gantaalku ku dhacay beer ku taalla magaalada Tel Aviv.

Magen David Adom, oo ka tiran waaxda adeegga caafimaadka degdega ah ee Israa’iil, ayaa sheegay in ay daweeyeen 16 qof oo qaba dhaawacyo “fudud” oo ka soo gaaray firir muraayado burburay kadib markii gantaalku ku dhacay dhismayaal.

14 qof oo kale ayaa la soo wariyay in dhaawacyo fudud ay sidoo kale soo gaareen.

Afhayeen u hadlay Xuuthiyiinta ayaa sheegay in kooxdu ay ku garaacday bartilmaameed millatari gantaal ballistic ah.

Horraantii toddobaadkan, Israa’iil waxay qaadday duqeymo xiriir ah oo ka dhan ah waxa ay ku sheegtay bartilmaameedyada militari ee Xuutiyiinta, iyo sidoo kale kaabayaasha tamarta ee caasimadda Yemen ee Sanca.

TV-ga Al Masirah ee ay Xuuthiyiintu maamulaan ayaa sheegay in sagaal qof lagu dilay dekedda Saliif iyo goobta saliidda ee Raas Ciise.

Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan weeraradooda ilaa uu ka dhamaanayo dagaalka Qasa. Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntii ugu dambeysay ay qeyb ka tahay ballanqaadka ah in uu is difaaco iyo in uu difaaco xulafadiisa.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this