Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Faransiiska oo soo dhaweeyay heshiiska Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin badeed, iyada oo lagu xallinayo wada hadal iyo in la ixtiraamo sharciyada caalamiga ah iyo deriska.

Macron ayaa hadalkan ka sheegay sabtidii kaddib booqasho hal maalin ah oo uu ku tagay Addis Ababa, halkaas oo uu wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id, Macron wuxuu soo dhoweeyay Bayaanka Ankara oo ay gaareen Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 11-kii Diseembar.

Bayaankaas oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, “hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ku adkeysteen inay ixtiraamayaan midnimada, madaxbannaanida, madax-bannaanida dhuleed, iyo mabaadi’da ku qoran sharciga caalamiga ah, Dastuurka Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Ururka Midowga Afrika.”

Labada dhinac waxay kaloo ku heshiiyeen inay billaabaan “wadahadallo farsamo” bisha Febraayo si faahfaahinta helitaanka marin badeed ee Itoobiya looga hadlo, waxaana wadahadalladaas gacan ka geysan doona Turkiga, lana dhammeystiri doona oo la saxiixi doonaa muddo afar bilood gudahood ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this