Deeq A. Posted Sunday at 07:00 AM Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah ay ka jirto halkaasi, kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo xooggan. Xiisadda ayaa u dhexeyso ciidamada dowlad deegaanka iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo haatan isku horfadhiyo magaalada Xarshin oo ah halka ay ka dhaceen dagaallada. Labada dhinac ayaa helaya gurmadyo, waxaana suuragal ah in markale uu dib u qarxo dagaalka oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka. Dagaallada dhex-maray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan. Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallada la doonayo in xal looga gaaro colaadda sii xoogeysaneysa ee ka taagan xadka labada waddan. Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida iyo kuwa Somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalkan ayaa baaq nabadeed u diray labada dhinac, si xal loogu gaaro. Dagaalladan waxaa ka horreeyay fal kale oo lagu dilay 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowlad deegaanka, kadib weerar gaadmo ah oo lagu soo qaaday, xilli ay ku sugnaayeen degaanka Dacawaley oo ka tirsan gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida. Dhacdadan waxaa ka horreeyay dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan, kadibna baxsatay. Share this post Link to post Share on other sites