Sign in to follow this  
Deeq A.

Sida Yuusuf Garaad u Turxaan-bixiyay Laanta af Soomaaliga ee BBC

Recommended Posts

Deeq A.   
1000017122.jpg?resize=537%2C477&ssl=1Yuusuf Garaad wuxuu ku faray wariyayaasha in Somaliland aan loogu yeeri karin dal marka war ama warbixin la soo tabinayo.

Muqdisho (Faallo ) — Dhammaadkii siddeetamaadkii iyo sagaashamaadkii oo dhan qarnigii hore Laanta af Soomaaliga ee BBC waxay ahayd idaacad wariyayaasha u shaqeeya ay la kala safnaayeen dhinacyadii isku hayay siyaasadda Soomaaliya. Bishii Juunyo 1988 mar aan fiidnimadii dhegeysanayay faallo Laanta af Soomaaliya ayuu weriye  yiri: “Ururka Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (SNM) wuxuu halgankiisa xaqa ah bilaabay 1981kii.” Faallada ku saabsanayd  dagaalkii 1988 ka dhacay Waqooyiga waxaa qoray Martin Plaut. Ereyga “xaq” wuxuu ahaa mid uu wariyaha Soomaaliga ihi ku darsaday faallada (faallada oo cod ah ma hayo hadda sidaas darteed ma sheegayo magaca wariyaha).

Siyaasadda tafaftirka ee Laanta af Soomaaliga BBC waxay ahayd jaantaa-rogan — mid wariye kasta uu ugu dhaqmo sida uu doonayo. Dhowaan waxaan dhegeystay warbixin 1995 ay Laanta af Soomaaliga ee BBC sii daysay ku saabsanayd lacag uu maamulka Somaliland soo daabacday. Siciid Cali Muuse oo ka hadlayay lacagta ayaa yiri: “ Waa barnaamijkii Xulashada oo aan maanta idiinku hayo Lacagta cusub ee dalka Somaliland. Dalka la yiraahdo Somaliland waxaa jirta inuu yeeshay lacag dhowaan.”

1000017119.jpg?resize=447%2C385&ssl=1Siciid Cali Muuse wuxuu markuu Laanta af Soomaaliga ee BBC ka tagay xubin ka noqday Guddiga Doorashooyinka ee maamulka Somaliland.

Maxamed Cabdullaahi ayaa ahaa Madaxa Laanta af Soomaaliga waqtigaas. Ma cadda inuu raalli ka ahaa in Siciid Cali Muuse ku tilmaamo Somaliland dal. Sida Siciid warbixinta u soo gudbiyay waxay muujinaysaa inuu ku xadgubay tilmaammaha tafaftirka ee BBC (BBC editorial guidelines). Wariyayaasha BBC oo taageersan goosashada waxay Somaliland ku tilmaami jireen “dal”.

Isbeddel keenay in si habsami leh loogu dhaqmo tilmaammaha tafaftirka ee Laanta af Soomaaliga BBC ayaa dhacay sanadkii 2000 markii Yuusuf Garaad Cumar loo magacaabay Madaxa Laanta af Soomaaliga. Yuusuf Garaad wuxuu ku faray wariyayaasha in Somaliland aan loogu yeeri karin dal marka war ama warbixin la soo tabinayo. Yuusuf Garaad wuxuu soo jeediyay in Somaliland lagu tilmaamo sida BBC World Service ay ku tilmaanto: “Jamhuuriyadda is magacawday ee Somaliland” (the self-proclaimed republic of Somaliland).

Siciid Cali Muuse wuxuu markuu Laanta af Soomaaliga ee BBC ka tagay xubin ka noqday Guddiga Doorashooyinka ee maamulka Somaliland.

Qoraha faalladan wuxuu ka shaqayn jiray Laanta af Ingiriiska ee Raadiyo Muqdisho 1979-1987. Puntland Post ayaa leh xuquuqda soo saarista faalladan.        

© Puntland Post, 2024

The post Sida Yuusuf Garaad u Turxaan-bixiyay Laanta af Soomaaliga ee BBC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this