Deeq A. Posted 18 hours ago Trump ma aqoonsan doonaa Somaliland? Yaase la wada? Sannadkan waxa aad u xoogaystay xogta sheegaysa in madaxweyne Trump uu doorkan isu diyaarinayo sidii uu aqoonsi buuxa u siin lahaa Somaliland. Hadal haynta hawshani maaha mid soo if baxday 5 bishii hore oo ahayd xilligii doorashadu Carra Maraykan ka dhacday. Waase mid soo taxnayd tan iyo sannadkan sii galbanaya badhatamihiisi. Warbaahinta Dunida ugu Afka dheer oo Carab iyo reer Galbeedba leh ayaa qaada dhigay suurtagalnimada in uu Trump qorshe aqoonsi doorkan ka lee yahay Somaliland oo aanay is aqaan xil hayntiisi hore. Tusaale ahaan Warbaahinta arrimaha sirta ka faalloota ee African Intelligence waxay 2-dii bishii August sheegtay in kooxda ololaha ee Donald Trump in ay wadaan sidii qorshaha loogu dari lahaa aqoonsi la siiyo Somaliland. Mar kale Barmaamijka ololaha Trump salka looga dhigay ee Project 2025 waxa ka soo dhex mudhay dananaynta ku aaddan in aqoonsi buuxa Maraykanku ugu xagaf siiyo Somaliland. Xilligii ay dhacsay doorashada Somaliland ee 13-kii November waxay Warbaahintu aad u qortay in doorashadan ka dib Somaliland rajanayso aqoonsiga ay raadinayso. Tusaale ahaan Wakaalada Wararka ee Reuters waxay 13 ka bishii hore qortay in madaxda ugu sarraysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ay doonayso in la aqoonsado Somaliland. Madaxdaas waxa ugu horreeya qaar la shaqeeyey Trump xil hayntiisi hore. Isla Al-Jazeera qaybta Ingiriisada oo ka mida Warbaahinta aan u janjeedhin dhinaca Somaliland waxay 13-kii baahisay in ay Somaliland doorasho u dareerayso isla markaana aqoonsi raadiskiina uu marayo halkii ugu sarreeyey. Waxayna xustay in la rajanayo aqoonsi uu Trump ugu dhawaaqo Somaliland. Inta aan sheegay kuma koobna Warbaahinta soo werisay in Trump uu hadda karkarinayo aqoonsi buuxa oo loogu dhawaaqo Somaliland, waxase ilaa bishii hore ka faalloonayey, Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Independent. Warbaahinta Afka Ruushka ku hadasha ee Reuters. Warfidiyeenka uu Faransiisku lee yahay ee France24 iyo xataa Wargeyso ka soo baxa Israa’iil. Haddaba maxaa keenay in uu Trump aqoonsi siiyo Somaliland, waayose cidda u durbaan tumaysaa? Ugu horrayn Donald Trump oo ah nin badheedhe cad looga bartay, maaha shakhsi daneeya arrimaha Afrika. Wuxuuna u yaqaanna qaaraddii qashin qubka. Doorkiisi hore, lug ma soo dhigin dhammaanba Qaaradda Afrika. Haddana waxa dhayda ka cad in uu danaynayo arrimaha Somaliland! Sababtuna waxay tahay; Xilligii hore ee Trump Geeska Afrika wuxuu ahaa mid ka xasilloon sida uu haatan yahay. Ma jirin Xuutiyiin looga cararay gacankii laga gooshi jirey ee Baabuul Mandab. Waxa koobnayd saamaynta Ruushka ee Afrika. Waxa yaraa halista Israa’iil kaga imanaysa meel ka baxsan Bariga dhexe. Waxana yarayd isla jaanqaadka Maraykanka iyo Itoobiya. Xilligan cid dhab ahaanta Trump ku qancisay in uu Somaliland aqoonsado ama u durbaan tumaysaa waa saddex qolo. Waa saddex qolo oo uu xoog u taageero isla markaana uu la yahay saaxiib dhow. Waa saddex kooxood oo dantooda ka dhex arka Somaliland oo noqota dawlad baarka la baxday oo ku soo biirtay Qaaradda Afrika. Saddexdaasi waxay kala yihiin; 1: Imaaraadka: Imaaraadka Carabtu tan iyo 2016 kii wuxuu si weyn u danaynayey Somaliland. Wuxuu u arkaa in ay tahay goob dihin oo aanay cid kula geli karin loollan adag. Waa halka keliya ee ku dhow Gacanka Baabuul Mandab ee uu saaxiibka la yahay. Waayo Suudaan way ku adkaatay in uu gacanta ku qabtaa. Ku darsoo Imaaraadku wuxuu dilaal u yahay qolo aynu gadaal ka sheegi doonno. 2: Israa’iil. Inkasta oo Israa’iil aanay sii xaalayn arrimaha Geeska Afrika, haddana waxa sannadkan ku soo kordhay culays ka baxsan meelihii ay wax la tiigsan jirtay. Weerarada kooxaa Xuutigu wadaan ee ay ku beegsadeen Maraakibta Israa’iil ee gacanka Baabuul Mandab waxay noqdeen Cashar baray in loo baahan yahay Saldhig ay ka ilaashato daneheeda gobolka. Markan si kasta loo eegayna Somaliland oo keliya ayaa noqotay barta ay hawshan ka dhammaynsan karto. Sidaa darteed waxay soo dhex martay dhinaca Imaaraadka Carabta oo hawshan la riixaya. 3: Itoobiya. Itoobiya oo ah dalka ugu galaan galka dhow Somaliland wuxuu sannadkan qaaday tallaabadii ugu weynayd ee ay abid qaaddo oo ahayd heshiiskii Is fahan ee ay Somaliland la gashay. Heshiiskaas waxa ugu weyn ee caqabada ku noqday wuxuu ahaa in aanay Somaliland ahayn dal la aqoonsan yahay oo heshiis noocaasa lala geli karo. Taa darteed hadda Itoobiya waxay qiime kasta u huraysaa in la aqoonsado Somaliland. Waayo Badda iyo dekedaha anfacayaa maaha kuwa Badweynta Hindaya ee waa kuwa saaran Badda cas oo dabcan Somaliland ku yaalla. Maanta oo u dambaysay waxay Warbaahinta Rasmiga ah ee dawladda Itoobiya daabacday in Maraykanku uu aqoonsi ula taagan yahay Somaliland. Taas oo ka dhigan in ay hawshan la dhacsan tahay. Maraykanku muxuu ka dheefayaa aqoonsi la siiyo Somaliland? In Imaaraadka, Israa’iil iyo Itoobiya oo Maraykanka saaxiib la ah ka sokow, Washington waxay qudheedu danteeda ka dhex aragtaa goobta ay Somaliland ku taalla iyo danaha ay ka fushan karto. Warbaahinta SEMAFOR, waxay bishii hore baahisay in Maraykanku Somaliland ka fushanayo saddex arrimoood oo kala ah; In ay u noqoto goob uu kala socdo qulqulka Hubka ee gelaya Geeska Afrika. In uu kala socdo dhaqaaqa Shiinaha ee gobolka. In uu sidoo kale ka jeedaaliyo duullaanada kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yaman ka dagaallanta oo halis ku noqday danihii reer Galbeedka. Dabcan si hawlahani ugu fulaan waa in uu marka hore saldhig ku yeesho Somaliland isla markaana uu si toosa u soo dego. Ragga hawshan sida weyn dabada uga riixaya waxa ku jira John Peter Pham oo ahaa Ergaygii Maraykanka Afrika xilligii hore ee Trump. Sidoo kale xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Maraykanka ayaa hawshan ka ah hormuud aad ugu ololaynaya. Falanqeeyeyaashu waxay qabaan haddii aqoonsi yimaaddi in Saldhigga ciidan ee Maraykanku Geeska Afrika ku lee yahay wuxu noqonayo Somaliland maaddama oo Jabuuti noqotay bahala galeen laysugu wada yimi. Yaa diidi kara aqoonsi la siiyo Somaliland? Dawlada Shiinaha ayaa kow ka aha dadka ka soo hor jeeda Somaliland sababta oo ah xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland iyo iyada oo ka soo hor jeeda in uu Maraykanku uu soo dego bada gacanka Cadmeed oo ah marin biyood mihiim ah. Inkasta oo dawladaha diidma qayaxan oo keliya looga bartay in ay is hortaagan qorsheyaasha Maraykanka, haddana waxa jira dalal si cad u diidaya in la aqoonsado Somaliland. Waxana kuwaas ka mid noqonaya Jabuuti oo u arkaysa in uu soo biirayo dal la geli kara tartan aad u awood badan. Sidoo kale Masar waxay geeri ka xigtaa in Afrika lagu soo biiirayo dal Itoobiya u ogolaanaya in ay yeelato saldhig Milleteri. Soomaaliya inkasta oo aanay lahayn tamar ay ku baaciso damac ay Washington dabada ka riixayso haddana durba waxay in ay kiraysto shirkado ku ololeeya in aan la aqoonsan Somaliland. Waana tamarta ugu sarraysa ee ay bixin karto. Arrimaha oo dhammi waxay kala caddaan doonaan guga inna haya horraantiisa oo ah marka uu Trump ku dangiigsado kursiga looga taliyo Maraykanka. Jaamac Shube Qaran News Share this post Link to post Share on other sites