Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada dhexe ee Itoobiya oo gaadhay Dacawalay deegaankii ay dagaaladu ka dhaceen

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20241221-WA0025.jpg

ETHIOPIA: Dacawaley. 🇪🇹🇪🇹Dawladda dhexe ee Federalka Ethiopia oo si deg dega uga soo jawaabay baaqii shacabka Ethiopia ee degan deegaanka Dacawaley, oo shalay baaq diray dawladda Federalka Ethiopia. Deegaanada Dacawaley waxaa soo gaadhay Ciidamada Federalka ee dalka Ethiopia markiiba amar ku bixiyey in aanay tuulada Yoocaale soo dhaafi karin maleeshiyada Ogaadeen ee xidhan shaadhka dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia, kuwaas oo shalay xasuuq ka geystay deegaanka Dacawaley ee ay degaan beesha Arab Sheekh Isaxaaq.

Beel weynta reer Sheekh isaxaaq ee u dhashay dalka Ethiopia waa beesha qudha ee si dhab ah uga qayb qaadata dhismaha dawladnimada, ilaalinta nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Ethiopia, sidaa awgeed reer Sheekh Isaxaaq cidna magan uga ma aha dalkooda Ethiopia ee waxay leeyihiin xuquuq la mid ah shacab weynaha dalka Ethiopia.

Way mahadsan yihiin madaxda Xukuumadda dhexe Ethiopia iyo Ciidamada Federalka Ethiopia, oo si masuuliyadi ku jirto uga soo jawaabay baaqii uga yimid shacabkooda degan deegaanka Dacawaley oo dhulkooda ay Ogaadeenku doonayaan inay ku qaataan shaadhka dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia🇪🇹🇪🇹🇪🇹

Axmed Yaasiin Cabdiraxmaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this